ZANAWI
OO SHAACA KA QAADAY IN CIIDAMDIISA UU KALA
BIXI DOONO SOMALIYA
Ra'iisal Wasaaraha dowladda Ethiopia Meles Zenawi ayaa shaaca ka
qaaday in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya
kala bixi doono, hadii ay Xitaa aysan Tabar yeelan dowladda
Imigathti ee Soomaaliya ee ay iyagu taageeraan, waxaanu sheegay
Meles mar uu wareysi siinaayay Wargeyska
Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriska.
Sidoo kale wuxuu Meles Zinaawi sheegay in ay sii wadi doonaan
taageerada ay siinayso Dawlada Embigati , balse waxa uu sheegay in
masuuliyadu ay tahay mid ay saaran tahay Mas’uuliyiinta Soomaalida.
Meles Zenawi wuxuu sheegay dushana u saaray in Mas’uuliyada
dagaalada ka socda Soomaaliya ay ka dambeeyaan dalalka Reer
Galbeedka, isagoo sheegay inaysan wax taageero ah siinin oo dhinaca
Maaliyadda iyo Siyaasadda ku aadan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga
Afrika ee Soomaaliya jooga.
Waxaanu intaa ku daray Meles Zenawi inay dhibaato ku tahay inay
Ciidamadoodu ku sii sugnaadaan Soomaaliya, wuxuuna carabka ku
dhuftay in wadankooda ay ka jirto baahi loo qabo Ciidamadaasi.
|