XUSSEN MAXAMED BISAD OO AH NINKA 2AAD EE
ADUUNKA UGU DHEER OO ISU SOO SHARAXAY XOGHAYAHA UDUB
Ninka labaad ee ugu dheer
Adduunka Xuseen Maxamed Bisad, ayaa daboolka ka qaaday in uu u
taagan yahay oo isu sharaxayo jagada dhawaan banaanaatay ee
xoghayaha guud ee xisbiga siyaasiga ah ee UDUB, waxaanu sidaa Bisad
ku sheegay xog waran khaas ah oo uu shalay gelinkii danbe siiyay
wargeeska Saxansaxo.
Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka labaad ee ugu dheer Adduunka una
dhashay Somaliland waxa uu muddooyinkan danbe ku noolaa cariga
Ingiriiska isaga oo si joogto ah muddadii uu halkaa joogay uga qayb
qaadanayay dhaqdhaqaaqyada ay muwaadiniinta reer Somaliland ku
taageerayaan gooni isu taaga Qaranimada Somaliland.
Xuseen Bisad waxa uu Buugga mucjisooyinka dunida ku galay inuu yahay
ninka labaad ee ugu dheer adduunka iyo inuu waliba yahay ninka ugu
Gacmaha Dheer adduunka, isaga oo cabirka gacmihiisu yihiin 10.59
Inches ama 26.9 Cm.
Waxaanu dhererkiisu yahay 2.32 Mitir ama 7.5 Ft. Culayskiisuna waxa
uu dhan yahay 210 Kg oo u dhigma 460 Rodol. Xuseen Maxamed Bisad, oo
ka mid ah xubnaha sida aadka ah u taageera xisbiga talada haya ee
UDUB, wakhtigana ku sugan Hargeysa oo uu joogay bilihii ugu
danbeeyay ayaa isaga oo aan hore loogu baran hawlaha siyaasada, waxa
uu sheegay in uu jagadan ku rajo wayn yahay, haddii uu ku
guulaystana uu xisbiga wax badan u soo kordhin karayo isagoo ka
hadlaya sababta ugu wayn ee uu wakhtigan u doortay inuu ka mid noqdo
dadka jagadaa u tartamaya waxa uu yidhi “Waxa soo dhaw
Doorashooyinkii, kaalintaana waxa ka baxay nin wayn oo dalka iyo
xisbigaba qiimo u lahaa. Markaa waxaan u arkaa in aan jagadaa
xisbiga uga faa’idayn karayo xilligan Doorashada oo loo baahan yahay
inuu xisbigu helo taageerayaal badan oo ku soo kordha”
Mansabka Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, ayaa banaanaaday ka dib
markii uu dhawaan ALLE ha u naxariistee marxuum Maxamed Ismaaciil
Bulaale oo xilkaa hayay tan 2003-dii ku geeriyooday Djibuti oo loo
geeyay Cisbitaal, ka dib markii uu asiibay xanuun ku soo boodo ahi
waxaana lagu aasay dhamaadkii todobaadkii hore Hargeysa. Intii ka
dambaysay geerida Marxuumka waxa soo baxaya war badan oo ku saabsan
cida buuxinaysa jagadaas oo xisbigaas ku banaanaatay xilli ay
Doorashadii madaxtinimadii dalka ka hadhsan tahay muddo yari, taas
oo wararka Kaambaynka Mansabkaas ee la isla dhex marayaa ay xusayaan
in ay tartanka ku jiraan rag wakhtigan xillal ka haya Golaha
Xukuumada iyo kuwo debada ka jooga labaduba. Ilaa imikana Xuseen
Maxamed Bisad (Ninka labaad ee ugu dheer adduunka), ayaa ah
murashixi ugu horeeyay ee shaaciya damiciisa ku xidhiidhsan buuxinta
Mansabkaas. Xuseen Maxamed Bisad ayaa haddii uu ku guulaysto
Mansabkaas ay suurtogal tahay inuu xisbiga u soo jiido taageerayaal
badan oo Dhalinyaro ah.
Wargeyska Saxansaxo
|