Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo loogu yeedhay
ka qaybgalka shirweyne ka dhacaya Itoobiya
![](IMAGES/de-maxamed-cabdillahi.jpg)
London Xoghayaha Arrimha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka oo Sabti ah, 30 August, u duulay
magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo
shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha
ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.
Shirwaynahan waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka kale socda dalalka
geeska Afrika, hay’ado caalami ah, Ururka Midowga Afrika iyo
aqoonyahanno ku xeel dheer xal u helidda colaadaha iyo horumarinta
nabadda iyo dimuqraadiyadda. Waxaana la filayaa in si qoto dheer
loogu lafaguro khilaafaadka siyaasadeed iyo xasilooni darada ka
taagan meelo ka mid geeska Afrika. Arrimaha sida gaarka ah loo
eegayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritariya,
ciidamada Itoobiya ee jooga dalka Soomaliya, arrinta Daarfuur,
ladagaalanka argagixisada iyo kobcinta nabadda iyo dimoqraadiyadda.
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo intii aanu dhoofin ay qaar ka mid ah
saxaafadu wax ka waydiisay shirkan wuxuu yidhi “ Horta waa markii
ugu horaysay ee ay Somaliland si buuxda uga qaybgasho kulammo noocan
oo kale ah fikerkeedana ka dhiibato xiisadaha ka taagan gobolka aynu
ka mid ka nahay”. Waxaanu raaciyaya “ Siyaasadda dibadda ee xisbiga
KULMIYE waxay ka shaqaynaysaa sidii Soomaliland looga saari lahaa
go’doonka ay hadda ku jirto, loona abuuri lahaa jawi ay Soomaliland
ku dhex gasho dunida, codkeedana looga maqli lahaa fagaarayaasha
caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba” Waxaanu kaloo sheegay in siyaasadda
dibadda ee Kulmiye ay ku eegayso arrimaha mandaqadda aragti
balaadhan.
Mar la waydiiyay waxa ay siyaasadda dibadda ee KULMIYE kaga duwan
tahay ta xukuumadda waxuu yidhi “ Siyaasaddayada dibaddu waxay si
dhab ah uga turjumaysaa masalaxadaha iyo danaha aasaasiga ah ee
shacabka Soomaliland, sida ganacsi xor ah, ilaalinta nabadgalyada
dalka iyo ta gobolka, helitaan saaxiibo caalami, iskaashi
horumerineed iyo in Soomaliland oo ka mid noqota bulshada caalamka,
iyo codkeeena oo adduunka laga maqlo”. Lakiin buu yidhi “Siyaasadda
khaarijiyadda ee xukuumaddu waxay ku jahaysan tahay sidii maamulka
Rayaale uu u sii jiri lahaa. Xidhiidhka dibadda ee xukuumaddu inta
badan wuxuu ka dhaxeeyay shakhsiyaad xukuumadda Soomaliland ka mid
ah iyo kuwa shisheeye ah.
Matalan ganacsiga waa mid u
danaynaya shakhsiyaad shisheeye iyo kuwa ku tirsan xukuumadda,
qandaraasyada xukuumaddu la gashay shirkadaha ajinabigu waxay u gaar
yihiin shakhsiyaad xukuumadda ku jira iyo ku shisheeye oo kaliya,
xidhiidhada dibadda ee xukuumaddu la leedahay wadamada kale shacabka
Soomaliland iyo golayaasha qarankuba waxba kama oga.
“Dhawaanna waxay
xukuumuuddu tilmaamtay in Somaliland ay ka jirto argagixiso wadani
ah. Arrintani waxay keeni kartaa in dawladdaha jaarku ama kuwa ka
xoog rooniba ay indho colaadeed ku eegaan shacabka Soomaliland,
maamulka Rayaalana lagu taageero inuu cadaadiyo shacbkiisa, oo ah
dariiqii TFG da mid u dhow. Sida awgeed siyaasadda dibadda ee
xukuumaddu uma adeegayso danaha shacabka Soomaliland ee waxay ku
hawlan tahay mustaqbal kordhinta maamulka Rayaale” ayuu yidhi Dr.
Maxamed Cabdillahi Cumar.
Sanadka horaantiisii wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo ka
wakiil ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo, ka
qaybgalay shirwayne caalami ah oo ka dhacay magaalada Belfast ee
Woqooyiga Ireland oo ay ka soo qaybgaleen madaxwaynayaal iyo
hogaamiyayaal magac ku leh dunida. Waxay hawlahani muujinayaan in
xisbiga KULMIYE uu hadda si wayn uga shaqaynayo siyaasadda dibadda
ee Somaliland
Source: Jamhuuriya Online
|