Xilka oon Allah dartii loo gudan,Hantida umadda oo la
xalaasha do,Geerida iyo xisaabta aakhiro oo danbeysa !!!
Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba
leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer
Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan
walaalayaal meel aad joogtaanba,idinku sal aamaya
salaanta islaamka ee qiimaha badan,asalaamu calaykum
waraxmatu laaahi wabarakaatu.Waxaa n Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka
yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka
dh eeraada,Qabyaalada iyo urteedana ka fogaada.
Rabbigeen (TWC),isagaa kownkan abuuray,wax ka qarsoonina
haba yaraate ma jiraan,maamulidiisana ci dna kama tala
galiyo,waxaanu soo raaciyey Kitaabka Kariimka ah,oo uu
ku cadeeyey dariiqa loo maro lii baanta adduunyo,dariiqa
loo maro liibaanta aakhiro,wixii inoo xalaala,wixii
innaga xaaraana iyo ciqaabtii sa darran.Waxaa biyo kama
dhibcaana,in maanta Xilkii noqday dariiq loo maro in
lagu taajiro ,laguna boo bo Hantida umada,oo aynu aragnay
tiro aad u badan,oo intaan xilka loo dhiibin shaxaad ku
noolayd,mud do yar ka dibna, Guryo,Fooqaq,Dhul
boob,Hudheelo,Warshado,Baayac mushtar,iwm,ka binaystay.
Balse ma moog yihiin,in Rabigeen (TWT),aanay waxba ka
qarsoonayn,oo Xilka oo aan Allah dartii loo
gudan,Ha ntida Umadda oo la xalaashado,ay geeri ka
danbayso iyo xisaabtii aakhiro
!!!.
Bal aan hal qiso idinla wadaago,kuna sahabsan khatarta
ku sugan Hantida Umada oo la xalaashado,oo la xado.Waxaa
Abu Huraira laga warinayaa inuu yidhi, Nabigeena Maxamed
(CSW),ayaan la soconay,Khayb ar ayaan furanay,kana helnay
xoolo mood iyo noolba leh.Nabigu (CSW),waa ka tagay
waxaanu u waree gay meel la yidhaa Waadil Quraa,oo uu
duulaan u aaday.Waxaa dadkii Nabiga (CSW),la socday ka
mid ah aa,Wiil addoon ah,oo uu Nabiga uu u soo hadyeeyey
nin la yidhaa,Rifaacat Binuzayd.
Wiilkaasi, Nabiga (CSW),wuxuu u ahaa gacantiisa
midig,waxaanu ahaa saxaabi,muumin ah.Isagoo rarkii
N abiga (CSW),dejinaya,oo furaya,ayaa waxaa ku dhacay
Leeb,aan
la garanayn meel uu ka yimid,waanu u
geeriyooday.Asxaabtii kale markay arkeen,waxay isku
yidhaadeen, Wiilkaasi waa ehlu Janno,maadaama uu ahaa
addoon mumina,Nabigana (CSW) u adeegi jiray.
Nabigeenii Maxamed (CSW),markuu maqlay hadalkoodii wuxuu
yidhi,sidaad moodeen maaha,ee Ilaahayg a Naftaydu
gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee,Marradii uu xaday maalintii
Khaybar la furtay,intaan
Qaniim ada la qaybin,ayaa
korkiisa ku dul hurraysa,oo ku
dul gubanaysa !!!!.Qisada Abu Huraira laga warinaya a,waxay inno
cadaynaysaa,in Xaaraantu tahay mid Rabbi inooga
digay,cidii u badheedhaana, ciqaabtee da mudan doonto.
Waxaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland u soo
jeedinayaa, in cida ay u soo xulayaan doorashad a Golaha
Wakiilada & Golaha Degaanka,ay aad uga fiirsadaan,kuna
qiimeeyaan:
1- Allah ka cabsigiisa
2- Inuu Xalaal miirad yahay
3- Shaqsiyadiisa
4- Aqoontiisa
5- Waayo aragnimadiisa
6- Kartidiisa
7- Daacadnimadiisa
8- Jecel inuu dadkiisa & dalkiisa si daacad ah ugu
shaqeeyo
9- Run sheeg inuu yahay,ogna in Beentu xaaraan tahay
Balse ha dooran:
1- Kii horeba xilka ugu fashilmay
2- Kii Hantidii umada ka taajiray
3- Ha ku dooran Qabyaalad,waa tolkay,waa ina
dha-dhaar,ogowna aakhiro waxba ku tari maayo.
Hadaadse,kii intaaba ku sifoobay,aad maantana dib u soo
doorato,berri ka maalin ha ka caban,ee dulqaa d u yeelo.....Eesh
qiyaasak,maanagaa waalan ,mise Cadan baa laga heesayaa!!!!.
Waxaan ku soo gunaan adayaa qormadaydan kooban,cid kasta
oo kursi umadeed u hanqal taagaysaa,waa inay ogaadaan
cawa aqibka laga dhaxlo,Xilka oon Allah dartii loo
gudan,Hantida umadda oo la xalaashado,Geerida iyo
xisaabt a aakhiro oo danbeysa !!!.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Qoraa: Eng. Mohamed Ali Muse
Senior Certified Network Specialist
| CNA |
CCNA |
FCNSA |
MCP | A+ |
29 January,2021
|