Xildhibaan Sh. Axmed Dayib oo falanqaynaya guushii mad axweyne
Biixi iyo waxa sababay.
Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan.
Waxay ila tahay in aanay:
1- Madaxweyne Biixi hal arrin hodin.
2- Musharrax Madaxweyne Cirro hal arrin hodin.
3- Beesha Sacad Muuse hal arrin seegin.
4- Beesha Habar-yoonis hal arrin seegin.
5- Somaliland inta kalena hal seegin.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa in aaney hodin guushii ballaadhneyd
ee uu ku haaneeday qasriga looga arrim iyo Jamhuuriyadda Somaliland
13 Nov. 2017kii, oo ku timid shan arrimood oo kala ah:
1- xukuumaddii xilligaa oo xisbiga Kulmiye hogaaminayey.
2- Beelweynta Habarjeclo oo si har la'aan ah uga abaal celineysay
dhismihii Beesha Sacad Muuse dhistey Madax weyne Siilaanyo.
3- Beelweynta Ciise Muuse oo si har la'aan ah uga abaal celineysay
dhismihii Sacad Muuse dhisay Madaxweyne Cigaal Rabbi
Jannatul-firdawsa ha ku galladee.
4- Beesha Sacad Muuse oo aan marna Somaliland Madaxweyne ka noqon oo
lahayd waa markayagii.
5- Bulshada kale ee Somaliland oo filasho-weyn ka qabtey hoggaamin
taariikhdu xusi doonto Madaxweyne Muuse Biixi.
Haddaba intaas oo isbiirsatey ayaa dhalisay guushii Mar la aragteyda
ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka ku haaneeday.
Waxayse tahay su'aashu:
1- Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar
la'aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda
Somaliland ?!!!.
2- Ma dhabawday filashadii mugga lahayd ee reer Somaliland ka qabeen
hogaaminta Madaxweyne Biixi ?!!!.
3- Maxaase keeney afar Sano ka dib in uu raadiyo taageerayaal laxaad
leh oo uu geeska galiyey markuu guusha hantiyey 13 Nov. 2017kkii?!!.
La soco ...
Qaybtii 2aad
Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye
|