Xil-daryeeliddisiyo,
Dad-u-hiilin maahee, Geenyada dekaanka ah, Anna aan
dul-buuxshoo, Dala’sado kolkaygoo, Daadka aan ku dhaafee, Iiga soo
deg weeyaan.
Ilaahay baa mahadleh. Waa wax lagu farxo in la arko nidaam iyo
kala danbayn uu dalku leeyahay. Waa wax lagu farxo in nabadgelyadu
ku baahsantahay dalka oo dhan. Inkasta oo aan indhaha laga qarsan
karin dhibaatada Somaliya ka taagan. Taasoo saamayn toos ah iyo mid
dadban ba leh. Ilaahay ha ka saaro dhibaatada, cidkasta oo lagu hayo
dulmi, aamiin. Intaa dabadeed, waxa aan la soo hinqaday dareenka ka
dhashay Shirkii Xisbiga Kulmiye, ee ka dhacay magaalada Burco.
Kala qaybsanaanta ku timi xisbiga waxa ay astaan u tahay, qaabka
saddexda xisbi ee dalka laga hirgeliyey. Waxa indhaha la qabtay
habkii dalkani ku socon lahaa, oo ah in shantii sannadoodba ay soo
baxaan saddex Xisbi oo la kala doorto. Waxa la heli lahaa tartan
joogta ah oo aan cidnaba u afduubnayn. Tartankaas oo dadku kala
saari lahaayeen. Waxa iman lahaa wejiyo cusub oo muujiya dedaal
dheeraad ah. Taasi may dhicin, oo waxa laga doortay saddex Xisbi oo
keligood noolayaal ah.
Taasi, waxa ay horseed u tahay burburka saddexda Xisbi. Waxa aynu
ognahay in Xisbigii ugu da’da weynaa uu ku dhici waayey in uu
qabsado Shirweyne. Xataa lama hadalhayo, taasi waxa ay kuu
muujinaysaa baqashada uu Xisbigu ka qabo in uu shir qabsado. Waxa
kale oo inoo muuqata Xisbigii Kulmiye oo noqday ”Isha Cali ka
laalaada ku quuso”. Arrimaha keenaya kala qaybsanaanta noocaas ah
waxa ka mid ah, Xisbiga oo aan isku fikrad ahayn. U fiirso xubnaha
ka baxay shirka intooda badani waxa ay ka soo jeedaan Xisbigii
Dhicisoobay ee la odhan jiray Asad oo uu Hoggaamiye u ahaa Saleebaan
Gaal.
Sidaasaa saddexda Xisbiba laga helayaa dad kala Xisbi ah. Udub waxa
ku jira xubno ka tirsanaa Asad oo weliba xag jir ahaa. Xubnahaasi
mabay oggolayn in doorasho dalka ka dhacdo. Sidaasoo kale ayaa ay
ugu kala jiraan Xisbiyadii laga itaalka roonaaday. Haddii tartanku
yahay mid loo danaynayo dadka, waxa loo dayn lahaa codaynta dadka,
balse haddaad aragto meel la is bahaysanayo, oo la iskala jiidanayo,
oo shirka lagu kala cadhoonayo ”Timir lafbaa ku jirta” Ishaa
macallin ah. Waxa laga yaabaa, haddii Xisbiga Kulmiya uu sidaa u
kala qaybsanaado, golihiisa dhexe, in ay Udubna soo qoysan doonto.
Waxaase laga yaabaa in aanay Udub shirba qabsan oo ay hawshooda si
duuduub ah u dhammaystaan.
Arrimaha dhacayaa waxa ay dadka tusayaan in loo baahnaa in la furo
Xisbiyada, oo ay tartamaan shantii sannadoodba mar. Lagana soo xulo
saddexda ugu horreeya. Maanta waxa dad badani garan karayaa sidii
looga gar darraa Ururka Siyaasiga ah ee Qaran. Arki doonnee halka ay
ku danbayso, balse xubnaha ka baxay shirku, malaa waxa u habboonaa
in ay Xisbi kale samaystaan, waayo markii horeba Xisbigii Asad bay
ahaayeen. Waxa kale oo halkaa inooga iftiimaya in Xisbiga Udub uu
heli doono taageeradii ugu sarraysay oo aan hore loo arag. Ugama
jeedo in Udub ay ka wanaagsantahay Xisbiyada kale, ee waxa ay dadku
eegaan, kolba meesha deggen ee buuqa yar. Xataa ha ahaato meel aah
wanaag badani ku jirin. Dadku waxa ay necebyihiin isqabqabsiga, ku
jiqsiida, iwm. Maanta dalkeennu waxa uu u baahnaa weji cusub iyo
hoggaan cusub. Waa sida dalkastaaba uu ku hore mari lahaa.
Haddiise Isbedelku noqdo: Xil-daryeeliddisiyo, Dad-u-hiilin maahee,
Geenyada dekaanka ah, Anna aan dul-buuxshoo, Dala’sado kolkaygoo,
Daadka aan ku dhaafee, Iiga soo deg weeyaan.
Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden
|