Tvga
qaranka Somaliland ee dawladu gacanta ku hayso oo si toos ah looga
daawaday wadanka Qatar iyo meelo kale ka
tirsan Yurub
Waxa Xalay iyo Maanta si Toosa
looga Dawanayey Hotelka Hargaysa Restaurantee ee ku Yaala Caasimada
Wadanka Qatar Telefeshonka Qaranka Soomaliland oo Markii u Horaysay
laga Daawado Wadanka Qatar iyada oo Halkaas Isagu yimadeen jaaliyada
Somaliland ee ku dhaqanka Wadanka Qatar iyaga oo ay ka muuqato
indhahoda farxad iyo rayrayn waxa halkaa lagu soo xidhay Shaashad
Wayn oo Tv ah iyo Qol aad loo Qurxiyey oo marka aad soo gashid ay
markiiba Qabanayso indhahaga Dad aad u Faro badan iyo meel la kala
Fadhiisto,iyada oo Qarkood ay ku dawanayeen iyaga oo tagan .
Waxa is la markiiba aa arkaysay odayaal mudo badan deganaa wadankan
Qatar mudo lixdan aad u dheer oo markii u horaysay lagu arko markii
ay maqleen Tv-gii Qaranka Ayaa la soo xidhay waxa kale oo mudan
inaad ku arkays habeenkii jimcaha caruur yar yar oo xisaynaya
Dawashada Tvga iyo sida ay uga muqato Muwadanimada , Gudoomiyaha
Jaaliyada Mudane Cabdala Ismaciil Ducaale (Dhamac) ayaa halkaa Mahad
Naq uga Diray Madaxda Qaranka Soomalilad Madaxwaynaha Somaliland
Mudane Daahir Riyaale kaahin iyo sidii ay jaaliyadu uga Qayb Gali
lahayd wax qabadka Dalkooda Hooyo.
Madaxa Warfafinta Jaaliyada Ahna Xoghayaha Jaaliyada Mudane Naasir
Maxamed Cali Shinbir oo isagu si Xogan ugu Holanaa sidii loo soo
Xidhi lahaa Tv-gan soona Qaban Qabiyey Xafladan Lagu Dawanayo Tvga
oo waliba Noqon Doona Xafiiskan mid ay ku kulmaan Dhamaan Dhalinta
iyo wax Garadka Somaliland una Noqon Doonta Xafiis ay yeelato
jaliyadu kuna kulmaan iskuna waydarsadaan dhamaan waxii Dalkooda
Quseeya mudane naasir aya waxa uu u mahad celiyey Dadkii Iyo
odayashii ka soo Qayb Galay Xafladan ha ugu Horeye oday Cabdi xundub
oo mar walba ku holan midnimada jaaliyada , Xafiiskan ayaa noqonaya
mid wax tar wayn ka Qaban Doona jaaliyada iyada oo Halkaas uu
Gudoomiyaha Jaaliyada u xil saray gudi ka koban 15xubnood oo ka
shaqaysa wax qabadka jaaliyada .
Hadaba ma aha dalka Qatar uun meesha TV-ga qaranka laga daawan karaa
ama laga daalacan karaa ee waxa uu gaadhay oo laga daawan karaa
badiba wadamada caalmka iyada oo todobaadkii dhawayd si fiican looga
daawaday dalka Britain iyo meelo badan oo ka mid ah qaarada Yurub
iyo wadamo badan oo caalmka ah, iyo dhamaan gobolada dalka oo dhan
waxa aanu uu si toos ah u gaadhi doonaa dhamaan dalalka caalmka oo
dhan, sida ay ku balan qaadeen maamulka TV-ga qaranku.
By:Naasir Ali
|