Raaxadii Wajaalaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Riyadii naftaydiyo,
ramaashkii baxaayaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Raaxadii adduunkaay,
nafta beryo u rooneey |
Allow rabashka
kaa hay |
Reeraha hareeruhu ,risiqaay
cunaaneey |
Allow rabashka kaa
hay |
Raaliya haweeniyo ,rugtii
xoolo iibkaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Ramaashiyo hir
dooglaay ,roob soo onkodayeey |
Allow rabash ka kaa
hay |
Rays iyo hadhuudheey,
reerkii lagu nagaadaay |
Allow rabash ka kaa
hay |
Rugyartiyo Agoomaha,
raaska biilka siiyaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Roobkii da'aayee
rabbi noolisaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Riiqdiyo abaaraha ,meel
u rabbi ka dhawraay |
Allow rabashka kaa
hay |
Reerkii lagu
nagaadee ,lagu naafo baxayee, abid lagu nuglaadaay |
Allow rabashka kaa
hay |
Roob meel ku hooraay,
ramaash baxay Wajaalaay |
Allow raba shka kaa
hay |
Rubadkiyo qalbiga ,riiqdii
waraabkaay, raashinkii adduunkaay |
Allow rabashka kaa
hay |