Meel
uma kaco kulmiye inta uu hor fadhiyo kaasi!?
Waa xaqdarrooyinkii hore oo kuwo kalena loo sii xambaariyey iyo
carruurtii siyaasadda ku cusbeyd oo sasabasho lagu seexiyey! Sidii
Oday Siilaanyo rabay ayuun bay u dhacday. Sow maahin? By: Proffesor
Muuse Biixi, Hebel Xirsi, Hebel Aare, professorro cusub, Drs,
Aqoonyahanno kale iwm. Ayaa guddoomiyennimada iyo
guddoomiye-ku-xigeenka Kulmiyue u soo sharraxnaan doona oo Siilaanyo
la tartamaaya... Waxaas oo dhammi waxa ay noqdeen biyo col dhaanshay.
Markii Oday Siilaanyo la hor tegey. Sidii ay awalba haan jirtay.
Aniguba waan yaabayay, "Samo-kaab bee Deero Dili "! Waa la iska
arkaayey inaan sheekooyinkaas jilicsan Odayga lala hor tegi karin.
Aniguna waxaan lahaa, "Faan Badanaa", Yaa Ku Dhaca'.
Sidoo kale, hore ayaan ugu xiiqay inaan dhangaagaalaha iyo
dhaqan-celiska ka dhaadhiciyo inaan Oday Siilaanyo cid meeshan ka
dhaqaajineysaa jirin - illaa uu dhinto! Arrintaas oo muddo hore iyo
waqtigii halgankii SNM la ogaaday.
"Aniga Iska Daalaye Dheguhu Uma Daloolaane"!
Qaasim (AHUN).
Hadalkii oo kooban, macallinku illaa galool hoostii ayuu tabahan iyo
xeeladahan
dahsoon ee xoogga badan wax ku soo maamulayay oo siyaasadda
keligii-talisnimada, sida tartameyaasha madaxa la isugu dhufto ee
iyaga la isugu jebiyo sidii lafo geri, sida siyaasiyiin-ku-sheegga
kale, askarta, codadka dhangaagaalaha/Dhaqan-Celiska iwm, loo kala
xado ama loogu hanjabo, sida dhaqaalaha, lacagta, laaluushyada iyo 'dhuuniga'
wax lagu kala socodsiinaayo loogu kala qariyo gacan bir ahna loogu
maamulo, sida kursiga had iyo goor loogu guuleysto... Arrimahaas oo
idil odaygu jaamacado sare ayuu uga soo baxay!
Sidaas darteed Oday Siilaanyo = Ina Yey
II..
Waagii SNM ayuu Siilaanyo carbis adag oo waayo-aragnimo fiicani ku
dheehan tahay ka soo qalin jebiyey sidii uu saraakiishii SNM madaxa
isugu garaacaayey. Illeyn Korneyl Siyaasad dhex galay. Waa Ri'
Kildhi Madaxa la gashay e'!
Markaas, ma askartiisii ama innamo yaryar ama odeyaal kale oo shalay
qurbaha iwm ka soo hangagaaray ayaa wadaadku biyo u kabbanayaa? Amba
waan yaabayay markaan maqlay Muuse Biixi iwm ayaa guddoomiyenimada
kula tartami
doona, oo waxaan is weydiiyey "Oo tolow Muuse Biixi miyuu waashay!
Sidee buu macallinkiisii weynaa ee illaa Qaaxo, Calan Cas,
Dagaalladii sokeeye, Dawladihii Tuur & Cigaal...Maryo Alool. Illaa
maanta.. Intaas oo dhan wadan jirey. Sidii rabbaayadda oo kolba 'shaqo'
u diri jirey ee indhaha iyo dhegaha u ahaa sidee ayuu Muuse Bioxi
maanta arrinkiisa u diidi karaa - tartan maamulna hadalkiisaba daaye"!
"Tolow Muuse ma kursi ayuu u waashay oo uu waxaas oo idil ku
illaaway?" Markaasaan haddana xasuustey oo idhi, "Oo huunno, sow
abaal-laawe khasaare Aabahiis maahin"!
Hadal iyo dhammaan, meeshan
waxaa ka caddaatay dhowr arrimood oo horeba loo tuhunsanaa. aana la
arkayay:
1) Oday Siilaanyo inuu yahay ruug caddaa ku xeel-dheer
keli-talisnimada iyo arrimaha la xidhiidha oo idil! Afweyne, Ina Yey
iwm. Waxay noqonayaan carruur af-barad ah marka uu Odaygu yimaaddo
madasha rag isku hayo ee uu indhahana soo buurto! Allahu Akbar.
2) In Muuse Biixi iwm. Ay weli ardeydiisa yihiin oo markuu
macallinku 'aamus' ama 'hush' yidhaahdo aan dabadii la hadlin, sidii
ardeyda yaryar oo macallinkooda ku yara edeb darrootay ama ku
ciyaartay! Dhowaan-baradka kale oo dhammina meesha ayuu ka qaxaa
sidii lo' libaax xerada ugu soo galay.
3) Inuu Siilaanyo weli Ri'yaha Kildhiga madaxa kula jira siduu doono
ugu talin karo, meeshuu doonona u hoggaansan karo. Bal eeg
go'aanno-ku-sheegga la gaadhay:
i) In aan Oday Siilaanyo kursiga guddoomiye/madaxweyne weligii
lagula tartami karin - inkastoo uu ilaa Qaaxo ku soo fadhiyey, marar
baddanna u ballan qaaday inuu kaaliyeyaashiisa/gacan yareyaashiisa
abaal-marin ugu wareejin doono!
ii) Had iyo jeer, inuu Siilaanyo dooran karo
guddoomiye-ku-xigeenkiisa oo kolba
askarigii ku yara dhego adeyga, sida Muuse Biixi, C/raxmaan Aw Cali,
Dhego Weyne..Max'ed Kaahin, uu maqaaxida debedda uga tuuro, askari
kale oo cusubna qorto sida Seylici iwm.
"Cidna Kama Qarsoona In Uu Kulmiye Yahay Maqaaxi Uu Siilaanyo Shaah
Uu Soo Kariyay Ku Iibiyo"!
4) Odaygii Rreer Burco wuxuu arrintan ballan qaadyada beenta ah,
badhi-furka tirada badan iwm oo kale ka yidhi, "Allah Ma Arrafo
Ayaan Ka Ilbixi Waayey"?
Carruurta siyaasadda ku cusub iyo Ri'yaha kildhiyada madaxa ku sita
wuxuu Siilaanyo weli ku maaweelinayaa "Muddo X Markaan Madaxnimada
helo ayaan xilka wareejin doonaa".
1990kii ayey aheyd markuu ku ballan
qaaday inuu maamulka SNM iska wareejiyo ee meeday?
1990s
ayey aheyd markuu ku ballan qaaday inuu kursiga Calan Cas qof kale
uga degi doono ee meeday?
1990kii
ayey aheyd markuu ku ballanqaaday inuu kursiga Kulmiye ka dego oo
weliba uu ku wareejiyo Musharrax Beelaha Hargeysa ka soo jeeda ee
meeday?
Waa sababtaas sababta uu Muuse Biixi
Iyo raggiisu maanta la xanaaqsan yihiin.
Hore
se waxaa loo yidhi. "Labo Xaaraan Ku Heshiisaa, Xaqa Ayey ku
Collow Baan iyo Bohol Hadimo Ha Qodin, haddaad Qoddana Ha Dheerey,
Ku Dhici Doontaana Mooyee".
Markaas, Ri'yihii kildhiga madaxa ku sitay boholo dhaadheer oo ay
weliba iyagu gacmohooda ku qodeen ayaa maanta ku daateen oo
madax-madax loogu guray ee waa in ay xanuunkeeda xejistaan!?
Madaxweynenimada oo bil gudaheed guddoomiye-ku-xigeenja 1aad Muuse
Biixi, Seylic iwm lagu wareejiyo?
Waa taas
carruurtii aan sheegayey ee siyaasadda
ku cusbeyd sa sabasho lagaga seexiyey!
Sheekadan 'bil gudaheed' waxay ku saleysan tahay laba arrimood:
i). Been cad, khiyaamo iyo maaweelin, sidii Brown iyo Blair!
ii). In Siilaanyo kursi jaceylkiisii soo jireenka ahaa uu 'waalli'
isu beddelay oo uu odaygu rabo inaanu degin ilaa uu 'Madaxweyne'
noqdo. Markaas oo aanu degi doonin sida Rayaale, Ina Yey et al! "Ilaa
Kulmis Waa Keligii-Talis Soo Fadhiyey Oo La Kari Waaye" Laakiinse
soo qoysataye ee yaa u xiiraya! No Card! Waa turubka Baashe Baashe
kaga qaad.
5) Inaan oday Siilaanyo hanjabaad yar iyo goolaaftan jilicsan waxba
lagaga qaadi karin sida; Hebel, Reer Hebel, Degaan hebel iwm. Ayaa
Xisbiga Kulmiye ka dareeri doona! Oo 'Cadowga' ku biiri doona.
Bajintani waaxay iusaga uga dhiganm tahay "Hooyooy Xuux" oo Odaygu
booli-xooftooyinkii cilmiyeysnaa ee Afweyneba dheg umuu dhigi jirin.
( Inkasta oo uu feejigeysan jirey intuu meel
dheer u yara faagto.
6) Inaan
UDUB cidi beddeli doonin, ugu yaraan,
10ka sano ee soo socda waayo wax la loollama waxaa ugu dhowaa
xisbiga Kalalumiye ee maanta sida xun u
god galay ! Allah.
Rayaale iyo Saaxibbadii Nasiib Badanaa
Ma Waraabayaal baa mise ciddi coomaaddey Sitaan? Guul hawl yar oo
tii ay xukunka ku heleen ka sii dhib yar ayaa
UDUB irridda uga soo gashay iyadoo
ordeysa.
Tii Somaliland aheydna rajadeedu
waxay maraysaa halkii meydkii gaadhiga ka dhacay ee uu ninka Ciise
ku dhawaaqay "Hadduu Meydki Sii Go'ay" !
Ugu dambeyn, arrimahaas oo dhan waxaa ka sii daran iyadoo xaq
darrooyinkii hore ee lagu heshiiyey kuwo kale oo ka waaweyn lagu sii
kordhiyey, sidii habartii xaabaleyda aheyd!
Allahayow. Maxaa meeshaas
miinooyin ka qar-qarxi doona. AIlaahayow aanay magaalooyinka iyo
waddanka nagu gubin.
Aamiin
Professor, UK.
professor1@hotmail.co.uk
|