Marwada
Koowaad ee JSL oo deeq gudoonsiisay xarumaha
agoomaha ee Hargaysa
Marwada Koowaad ee JSL Marwo Hudda Barkhad Aaden ayaa Maanta Ugu
deeqday Deeq isugu jirta Karaatoon Buskud ah iyo Direys Ardayda kala
duwan ee ku Jirta Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.
Xaflad loogu sameeyay Munaasibadan ayaa waxa kasoo qaybgalay Ururka
Haweenka ee NOW , Madax ka Socotay Hay,adda ANPAK iyo Masuuliyiin
kale .
Hadal uu ka Jeediyay Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaaladda
Hargeysa Maxamed Ismaaciil ayaa umahadceliyay Marwada Koowaad ee JSL
isagoo sheegay sida ay had iyo jeer iskaga Xil saarto Gacan siinta
Caruurta ku Nool Xarunta Agoomaha .
Waxaanu Agaasimuhu ugu baaqay Ganacsatada iyo Guud ahaanba Bulshada
inay Gacan ka gaystaan Daryeelka Caruurta Xarunta Agoomaha ku Jirta
.
Waxa Kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda
Hay,adda ANPAK kuwaas oo Ballan qaaday in Caruurta Agoomaha ee
Xaruntan wixii hadda ka danbeeya ay Daryeelkooda Gacan ka gaysan
doonaan .
Ugu Danbayntiina waxa halkaasi hadal ka jeedisay hadal kooban Marwo
Hudda Barkhad Aaden oo sheegtay Naxariista iyo Daryeelka ay
ubaahanyihiin Caruurta Agoomaha ihi iyo sida loogu baahanyahay in
Xil layskaga saaro waxaanay ay ugu Baaqday ganacsatada Somaliland
inay gacan ka gaystaan dhaqaalaynta Caruurtan
Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
|