Madaxweynaha oo Maanta La Kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Somaliland

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynaha oo hadal kooban kulankaasi ka jeediyay , waxa uu sheegay in agaasimayaasha guud yihiin cida xilka ugu horeeyaa ka saaran yahay hawl qabadka iyo dar dar gelinta xilka wasaaraduhu ay u hayaan umadda, waxana uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uu la yeesho agaasimayaasha guud kulamo kale , si uu uga dhagaysto waxyaabaha u qabsoomay wasaaradahooda iyo waxyaabaha aan u qabsoomin , isla markaana sidii tallaabooyin wax ku ool ah looga qaadi lahaa baahiyaha ay wasaaradahoodu qaban lahaayeen, intii awoodeenu ina siiso.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay agaasimayaasha guud in ay soo diyaariyaan oo ay hor keenaan kulmada soo socda ee uu la yeelan doono wixii horumar ah ee ay wasaaradahoogu ay ku tallaabsadeen iyo wixii dhibaatooyin ah ee hor yaala.

Agaasimayaasha guud qaar ka mid ah oo iyana halkaasi ka hadlay waxa ay ugu mahad naqeen Madaxweynaha fursada uu siiyay wakhtigiisa qaaliga ah in uu la kulmo , kana dhagaysto wixii fikrad ah ee ay ka qabaan horumarinta iyo waxqabadka wasaaradahooga.
Alla Mahad leh
 

 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL