Madaxtooyada oo hinaase weyn ka muujisay socdaalka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Kenya

 

Madaxtooyada Somaliland ayaa hinaase weyn ka muujisey socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisu ay ku joogaan dalka Kenya.

Website laga maamulo Madaxtooyada ayaa lagu faafiyey qoraal lagu dacaayadaynayo socdaalka Guddoomiyaha iyo kulamada uu la yeeshay diblomaasiyiinta iyo madaxda dowladda Kenya.

Websiteka www.somalilandnation oo uu maamulo Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge ayaa qoraalka lagu faafiyey oo hoosta lagaga saxeexay magac dumar, waxa uu sheegayaa in Guddoomiyuhu uu la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Welad Cabdalla iyo diblomaasiyiin kale, isla markaana uu kala hadlay arrinta Soomaaliya. Waxa kale oo uu qoraalkaasi ku xidhiidhinayaa socdaalka guddoomiyaha, booqashada Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, muj. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigu ay ku joogaan Jabuuti.

Waxa kale oo uu websiteku qoray loollan ay weftiga xisbiga KULMIYE ee Jabuuti iyo wasiirrada xukuumaddu ay ku kala jiidanayaan kasbashada dowladda Jabuuti, taas oo ka marag kacaysa in ujeeddada wasiirrada Riyaale u tageen Jabuuti ay tahay sas ay ka qaadeen socdaalka Weftiga xisbiga KULMIYE ku marayaan geeska Afrika iyo olole ah inay dowladda Jabuuti uga dheereeyaan.

Qoraalka Madaxtooyadu faafisay ee ay ka been-abuurayso socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo ka dambeeyey waraysi BBC-du la yeelatay Guddoomiyaha Xisbiga oo uu kaga warramay ujeeddada socdaalkiisa iyo kulamada u qabsoomay ayaa ah mid karaama-dil ku ah magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladnimadeeda, isla markaana muujinaysa heerka hinaasaha iyo shaqsiyadda hoggaanka dalka taagan yahay.

 

 



Somaliland.org ,
news desk