KULMIYOW
RAGG CADAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAAC
Waxa salaan mudan shabakaddaha
ama mareegaha ku abtirsada JSLand ee maalin kaste heeganka u ah
sidii ay bulshada soomaliland uga haqab tiri la hayeen wararka
xaqiiqada ku saleysan ee dalkii hooyo ka soo baxaya maalinkaste iyo
xili kaste, waxan leeyahay hawlawadeenada mareegaha Somaliland
walaalayaal aad baan idin soo salaamaya dhamaantiinba.
Waxa igu kalifay qoraalkan yar ee gaaban ee maanta aan doonayo in
aan ku muujiyo muwqifkeyga siyaasadeed iyo inta ila wadaagta
muwqifkaasi ee islamarkaasna si aanu wax u wada aragno, mudo dheer
ayaanu naawilaynay cadaalad iyo dimuqradeyda xaq ah oo lagu soo
dabaalo maamulka kulmiye, mudo dheer baanu geed dheer iyo mid
gaabanba u foolnay sidii cadaalad iyo isbadal siyaasadeed oo
dimuqradeyda ku dhisan doonayn in laga hirgaliyo maamulka kulmiye
laguna dhaqmo dimuqradeyda iyo cadaalad, runtii sidaad ula wada
socotaan arinkaasi wuxu noqday mid aanu natijo waxku oolaha ka
gaadhi weynay oo soomalidu waxay tidhaahda NIN
MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOOW, waxakaloo aanu soo taabanay
ama aanu ogaanay inuu xisbiga kulmiye yahay xisbi u afduuban dhowr
siyaasi oo macangagiin ah, sida ka muuqata shirarkii u qabsoomay
xisbiga kulmiye wuxu ku saleysan ama u ku socday hab qabiil oo aan
runtii u adeegeyn hormoorka iyo dimuqradeyda aynu higsanayno, waa
nasiib daro inuu xisbiga kulmiye ku faano shiraarkaasi noocaasa ah
ee qabyaalada ku saleysnaa inuu yidhaahdo laba shirbaa noo qabsoomay,
WAXAD CUDUR AD U TAQAANO AYEY RAGGNA CAADA
DOODA TAHEY, runtii madaxda kulmiye waxey caado wanaagsan u
yaqaanan habkaasi qabiiliga ah ee wax lagu qeybsado, waxa si inta
badan ka soo horjeedan cadaalada iyo nidaamka dimuqradeyda ku
saleysan, waan mid nasiib daro ku aha horsocdka xisbiga kulmiye.
Xaabaal iyo ninkeed loo kala tag.
Waxa haddaba aakhristoow soo dhaweynaya go'aankaasi geesi nimada leh
ee aan maqlayo ama lagu soo daabacayo mareegaha qaar ee sheegaya
DR. Axmed Hussein Ciise wuxu
go'aansaday inuu ku biiro xisbiga UDUB
aad baanu u soo dhawey naynaa haddii aanu nahey taageerayaashii
kulmiye ee isbadal doonka ahaa meelkastoo aanu joogaanba waxay
leeyihiin waa go'aan geesinimo oo aanu ka filaynay doctorka mudo
dheer runtiina dhagatu aad bey noo taag neyd mudo dheer oo anu
filaynay go'aanka drka, waananu kugu garab taagnahey xisbi kastoodo
u digo rogato, waxanu leenahey
KULMIYOW RAGG CADAALAD WAAYAY SIDII CAAWSHA
KALA YAAC.
Waxanu leenahay Dr, Axmed Hussein Ciise
iyo taageerayaashiisuba in ay ka reysan doonan dagaalkii qabooba ee
xanuunka badanaa ee ka dhex aloosna xisbiga
KULMIYE ee dhawrka siyaasi u afduuban.
Omar Daarood Xassan
darood2@hotmail.com
Syria
|