Komishanka oo ku
dhawaaqay Natiijada hordhaca ah ee dadka iska
diiwaan geliyey
Diiwaangelinta codbixiyayaasha
doorashooyinka Somaliland ayaa maalintii shalay si rasmi ah uga soo
gaba gabowday gobolka Sool, waxaana tirada hor dhaca ah ee dadkii
iska diiwaa galiyay gobolkaas si rasmi ah shaaca uga qaaday
Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Cali
Maxamed C/laahi (Biikalo).
Mudane Biikalo waxa uu tilmaamay in 160-kii goobood ee
diiwaangelinta gobolkaas loogu tala galay oo intooda badan ay
hawshaasi ka qabsoontay, isla markaana tirada hor dhaca ah ee dadkii
iska diiwaan galisay ay tiradoodu gaadhayso 155, 447-qof, isaga oo
sheegay in tirada rasmiga ah ee gobol walba iska diiwaangelisey ay
soo bixi doonto marka serverka la geliyo macluumaadka dadka gobol
walba iska diiwaangeliyey, isla markaana la shaandheeyo.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka oo sii kala qaadqaaday tirada
degmooyinka gobolka iska diiwaangelisey waxa uu sheegay in:
Degmada Caynabo ay iska diiwaangeliyeen 80,400 oo qof
Degmada Xuddun 18,000 oo qof
Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaadda; sida Kala-baydh, Yagoori
iyo goobaha Buuhoodle ee Widhwidh la dhigay ay tahay 57,000 oo qof.
Gudoomiye ku-xigeenka komishanku waxa uu sheegay in degmada
Buuhoodle iyo qaybo ka tirsan degmada Taleex aanay diiwaan galintu
ka qabsoomin, hasa yeeshee gobolkaas intiisa kale ay si wanaagsan oo
nabad galyo ah uga qabsoontay kuna soo dhamaatay.
Gobolka Sool waxa uu noqonayaa gobolkii ugu danbeeyay ee hawsha
diiwaan galintu si nabad galyo ah uga qabsoonto, taas oo ka dhigaysa
hawshii diiwaan galintu in wajigeedi hore la soo gabagabeeyay waxa
la sugaana ay tahay ku dhawaaqista natiijada kama danbaysta ah ee
dhamaan dadkii iska diiwaan galiyay Somaliland
Axmed Maxamed Saleebaan
Somaliland.org , Hargeysa
|