|
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 30 April,2017
Qoraal #: TWF9-30042017
Ujeeddo: Mahad celin & Shahaado Sharaf
Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale
Foundation (TWF) ,waa Hay'ad ka
diiwaan gashan Dalalka Jamhuuri yada Somaliland iyo
Ingiriiska,waxaanay wakiilo ku leedahay dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba.Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale
Foundation (TWF) , oo iyadu
keentay talada & fikirka in Tog-wajaale Cusbitaal yeelato, ayaa
dalka gudihiisa iyo dibadiisaba dadaal joogta ah ka sameysay,
codsiyana gaadhs iisay Hay'adaha samo-falka ee ka hawl gala Dalalka
Carabt a,Yurub iyo Qaarada Maraykanka.
Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale
Foundation (TWF),waxay ku
guuleysatay in Hay'ada samo-falka ee Sheikh Mohamd Bin Raashid Al
Maktoum Humanitarian & Charity Establishment iyo xukuumada Somalila
nd ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ay
gac an weyn ka geystaan hir galinta Cusbitaalka weyn ee magaalada
Tog-wajaale,kaasoo noqday kii ugu horeeyey ee
ay abid yeelato
magaalada To g-wajaale.
Waxaan Allaha awooda leh uga mahad celinaynaa in maanta
manficiisii,waxtarkiisii
& midhihiisiiba la goosanayo,oo
cusbitaalkii shaqaynayo,qayb libaaxna ka qaato daryeelka caafimaadka
ee shacabka degan magaalada Tog-wajaale iyo guud ahaan Somalilandba.
Waxaa xusid mudan,taariikhda aan duugoobina ku xardhan,
marnabana
aan la iloobi karin,Wasiirka Maaliyada Somaliland,marwo
Samsam Cabdi
Aadan,oo habeen & maalinba gucle ugu jirta
horumarka magaalada Tog-wajaale,kormeer
joogto ahna ku gaalaa bixisa Cusbitaalka Guud,una kuur gasha xaalada
dadka bukaan jiifka ah,dhar & dhuunina la dul taagan.
Waxaan Allaha ay Kawnkan gacantiisa ku jirto uga baryeynaa,inuu
marwo Samsam Cabdi Aadan, miisaanka xasanaadka u siyaadiyo,adduunka
in tay joogtana caafimaad,cisi & sharaf ku waarto,aakhirana ku daro
kuwa Rabbi raaliga ka noqday,ee ka cabba Xawdka Nabigeenii Suubaana
ee M axamed (CSW),ee jaar la noqda,aamiin.
Annaguna hadaanu nahay Maamulka iyo xubnaha Hayada Samo-falka ee
Tog-wajaale
Foundation (TWF), ee ku sugan dalka gudihiisa &
dibadiisa ba,waxaad naga mudan tahay qadarin,sharaf,ixtiraam,waxaanan
kuu haynaa abaal aan abid duugoobin,nagana guddoon
Shahaado Sharaf
kal & laab ah.
Eng. Mohamed Ali Muse Dr. Hussain Mohomed Nur
Founder and Chairman Chief Executive Officer
Tog-Wajale Foundation Tog-Wajale Foundation
|
|