Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa
Cadceed ay Jamhuuriya da Somaliland ku diirsatay, aqoonteeda,
waxqabadkeeda, waxar keeda,dadaalkeeda & kartideeda, oo aan
taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!
Marka hore waxaan salaan
qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka
xariirta ah ee re er Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan
walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya sal aanta islaamka
ee qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu.
Waxaan Allaha awoodda
leh w eydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba
liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteed ana iska fogeeya.
Mujaahidad Faadumo Siciid Ibrahim halgankii, tacabkii,
waxtarkii,aqoontii,dedaalkii,xoogii, kartidii iyo juhdigii ay
ku bixisay dalkeeda hooyo ,maaha mid qoraal keliya lagu soo koobi karo.Waxaana biyo kama dhibcaana,in
taariikhd a ma guurtada ah ee Qaranimada Somaliland, ay baal Dahaba kaga
qoran tahay.Sidaa
awgeed, Haldoor, Aqoony ahanad,Mujaahidad, Faadumo Siciid
Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay,
aqoonteeda,
waxqabadkeeda,
waxtarkeeda,
dadaalkeeda &
kartideeda, oo aan taariikdeeda
Dahabigaa
cidna sacab
ku qarin karin!.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo ka madhan,kana han
weyn,kana fayaw ,cudurka dilaaga ah ee So omaali dhamaanteed
naafeeyey,ee qalbiga iyo quluubtooda
degay,ee Qabyaaladda, sidii
Dukhsigana Saxarada dul
fadhiya.Qabyaaladu,waxay sabab u noqday inay is
gumaadaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday in dhiiga walaalkood
ay si macno darro ah habeen iyo maalin u daadiyaan,Qabyaaladu,waxay
sabab u noqday inay qayrk ood gacmaha u hoorsadaan,Qabyaaladu,waxay
sabab u noqday in loo
yeedhiyo,oo aanay iyagu iskood wa xba u qabsan karin.
Balse,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa sida
shimbirka
Gorgorka,ee hawada sare duul aya,ee neecawda
udgooniyo daruuraha isku gaalaa bixinaya!...Eesh qiyaasak,Geesiyad
aan la haybsan karin ig a dheh!
Rabigeen Tabaarka Watacaala,kownkan markuu abuuray,isagaa qaybshay,
kala qorsheeyey, waxaanu kala fadal ay Aadamaha,isagaanay gaar u
tahay inuu qofkuu
doono ciseeyo,karaameeyo,sharfo,kor u qaado, kuu doo nana
duleeyo,waana sunan Rabbaniya,oon laga talaabsan karin.Sidoo
kale,Rabigeen Tabaarka Watacaala, wuxuu
inna faray in haddii aad himmo sare la timaado,oo aad rabto inaad
meel sare gaadho,waa in aad dadaal la imaado,Rabi gaana aad talo
saarato,midhaha ka soo
go'ana aad ku qanacdo.
Walaw aan laga gayoonayn,lana soo koobi karin,badweynta sooyaalka
nololeed iyo taariikheed ee Mujaahidad,Fa adumo Siciid Ibrahim,waxaan
haddii Allaha awooda lihi
uu nafta igu simo,aan isku deyi doonaa inaan wax yar idiin ka
bidhaamiyo.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,maaha mid halgankeedu maanta
bilawday, balse wuxuu soo taxnaa tan iyo bi lwgii dib u xorynta
dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waqtigaa waxaa ay ku sugneyd dalka
Ingiriiska,oo ay ku soo bar baartay,waxbarashadana ilaa heer
Jaamacadeed ku dhameysatay. Waxay ka mid ahayd Mujaahidintii juhdiga
badan ku bixiyay sidii duunyo loogu ururin helaa ,looguna taageeri
lahaa halganka dib u xoreynta,isla markaan mujaahidiinta dhaawacma
loo keeni lahaa dhakhtarada dalka Ingiriisa si loogu daweeyo.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,intaas oo keliya kuma ay
koobnayn,ee iyadoo aqoonteeda adeegsanaysa, wa xay ka mid ahayd
Mujaahidintii indhaha Caalamka iyo
Saxaafada ku soo jeediyey,ee Tooshka ku ifiyey dulm igii iyo
dagaalkii ciidamada Siyaad Barre ku xasuuqayeen shacabka,iyagoo
adeegsanaya Diyaaradaha iyo Taan giyada .Taasi waxay sabab u noqotay,
dhabarka & adhaxdana ka jebisay xukuumadii Daalinkii Siyaad Barre,ka
dib markii dawlada Ingiriisku albaabada isugu dhufatay Safaaradii
Somaliya, Quful weyna ka laalaadisay.
Rabigeen Tabaarka Watacaala ,wuxuu inna faray inaan isku
naxariisano,si uu inoogu naxariisto,oo uu innogu furo nimcooyinkiisa
aan dhamaadka lahayn iyo albaabadiisa
aan la xidhin.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo aad u naxariis
badan,waxaana markhaatii ma doonto ah sidii ay uga damqatay,uga
gilgilatay, uga dhiidhiday,
dhalinyarada gaajada iyo qabawga dhaxanta la nool,ee ehelka u no qday
darxumada iyo leeleelka nolosha darran ,ee daadsan darbiyada
magalaada Hargeysa.Way ururisay,una
sameysay Xarunta
Darbi Jiifka,iyadoo la kaashatay maalqabeenada waaweyn ee
Somaliland,sida Maxamed Aw Siciid,Dahabshiil iyo Telesom.
Mujaahidad,Faadumo Siciid
Ibrahim,waxay cod u tahay inta aan codka lahayn ee jilicsan,waxay
cod u tahay ma yeedhaanka, waxay cod u tahay inta gaajo darteed
beerka dhulka ku haysa een awoodi karin inay luqmad ay ga ajada
iskaga reebaan iibsadaan,waxay cod u tahay hooyada aan awoodi karin
inay dhariga u dha
dhaarto caruu rteeda dhalaanka ah,waxay cod u tahay masaakiinta soo
ootay,een biyo yar oo ay ku jeel baxaan heli ka rin.
Lagama gayoonayo badweynta sooyaalka taariikheed iyo nololeed ee
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim ,ee bal mar kale aan soo dul
xaadiyo:
• Waxbarashada dugisiga Hoose,Dhexe,sare iyo Jaamacada,waxay ku
qaadatay dalka Ingiriiska
• Waxay ka soo shaqaysay Hay'ada Marayakanka ee
USAID
• Waxay ka soo shaqaysay Hay'ada Qaramada Midoobay ee
UNDP
• Waxay hindistay,hir galisayna Kuliyada Badda ee Berbera
• Waxay hindistay in la helo Ciidamada Ilaalada Xeebaha
• Waxay Hindistay,in Dumar Boolis ah oo tababaran ay Somaliland
yeelato
• Waxay aasaastay,Guddomiyana ka noqotay Ururka horumarinta bulshada
ee ODHA
• Waxay sameysay Hay'ada Xuquuqul Iinsaanka Somaliland
• Waxay sameysay Xarunta Darbi Jiifka ee Hargeysa
• Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID
• Waxay soo qabatay Xilka La-Taliyaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga
Waddani
• Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga
Waddani
• Waxay hir galisay mashaariic badan oo aan halkan lagu soo wada
koobi karin
Aan ku sidko, kuna lingaxo,dadaalka iyo kartida ay
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim muujisay,suugaanteena h odanka ahna
bal aan dhex mushaaxo,soona xusho
tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey,Rabbi naxariistii Janno Farda wsa ha
ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa,Halyeygii,Cabdillahi
Suldaan Maxamed
(Timacade).Waxaa uu ku iftiim inayay inaan fadhi iyo fuud yicibeed laysku heleyn,
balse hadaad rabto inaad meel sare gaadho,oo amiga aga, hiigsigaaga,himiladaada,yoolkaaga
iyo rabitaankaaga,aad ka midho dhaliso,waa inaad isku diyaariso,una
sahay qaadato safar dheer,adkeysina u yeelato qodaxda iyo
qocondhada,abriska iyo abeesada
teedsan mugd iga iyo qudcurka habeenka ee darbiyada kuududa...Waxaanu
yidhi :
•
Lama helo wadaadow
•
waxaan cidi ku hawshoone
•
naftaa loo hantaaqaa
•
waxay hiigso leedahaye
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxay ka mid tahay shaqsiyaadka
faro ku tiriska ah, ee dalkani wax ku yahay ,qalbigeeda iyo
dhiigeedana ay ku mudan tahay tacabkii
iyo dhibtii dalkani loo soo maray,ee hooyooyin curadood ii ku
waayeen,lana qiyaasi karin inta geesiyaal naftoodii ku bixiyey.Waa
Marwo ka shaqeysa walaaltinimada
shac abkeeda ,isku soo dhaweyntooda,jecelna wada jirkooda,wada
noolaanshahooda,iyo inay Qaranimadoda ilaashad aan,una midoobaan
Cadawga gudaha iyo ka dibadda, ee
habeen & maalin ku foogan burburka Jamhuuriyada Som aliland.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,magaca,sharafta,cisiga iyo
karaamada ay maanta ku dhex leedahay bulshad a iyo Qaranka
Somaliland,maaha mid dheel dheel iyo
ciyaar ku timid,kamaney helin Buurta Laalays
dusheeda i yo Banka
Beeraha ee Tog-wajaale toona, balse waxay ku bixisay
Aqoon,maskax,tacab,fikir saliima,waqti
badan, soo jeed iyo nafteeda oo ay u hibaysay sidii dalkeeda hooyo,oo
ay wax walba ka jeceshahay,uu u noqon laha Xiddig ka dhex ifaysa
mandaqada Geeska
Afrika....Eesh qiyaasak...Geesiyad qayrkeed hayaamoo,Dayaxa
hiigs anaysa iga dheh!.
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo qiimo
badan,GOBA,agtadaydana qadarin, sharaf,cisi iyo karaam o ku
leh.Waxaan Allaha awooda leh,ee ay Kownkan gacantiisa
ku jirto aan uga baryayaa,in intay addunkan korkii sa joogtana,inuu
caafimaad & cimri barakaysan ku arsaaqo,dad iyo duunyana
barakeeyo.Maalinta ajashu ku tim aadana,inuu Rabbi ku daro adoomada
uu raaliga ka noqday,ee Jannatul Fardawsa lagu casuumo, Nabigeenii
suub anaa ee Maxamedna (CSW), jaarkiisa ka yeelo,aamiin
yaa Rabbi.
Guntii iyo gaba gabadii,badweynta Sooyaalka taariikheed &
nololeed,ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,maah a mid laga
gayoonayo,laguna soo koobi karo qoraal
keliya,sidaa awgeed,waan ku hambalyeyenayaa,waanan uga mahad
celinayaa waxtarkeeda muuqda,waxaanan leeyahay:
Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo
Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland
ku diirsatay ,
aqoonteeda, waxqabadkeeda,waxtarkeeda,dad aalkeeda
& kartideeda, oo
aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab
ku qarin karin!
Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified
Network Specialist
| CNA
| CCNA
| MCP
| FCNSA
|
A+
|
26 October,2019 |
|