Faysal
Cali Waraabe Oo Ka Ducaystay Sharka Kursiga
Madaxtinimada Somaliland
![](IMAGES/WARAABE-NEW-ONE.jpg)
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku ducaystay
in haddii ay khayr u tahay uu ILLAAHAY (SWT) u dhiibo xika
madaxtinimada dalka, haddii aanay khayr u ahayna aanu u dhiibin.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ILLAAHAY (SW) ka baryay in uu foodka
dadwaynaha ku hagaajiyo saddexda xisbi qaran ee ku tartami doona
doorashada madaxtinimada dalka ee inagu soo fool leh hadba kii khayr
qaba, isaga oo sheegay in maanta loo baahan yahay dawlad wanaagsan
oo ay dadku codkooda ku hagaajiyaan.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku yidhi khudbad uu ka
jeediyay munaasibad xadhigaga lagaga jaray xafiiskii xarunta Gobolka
Hawd ee xisbiga Ucid oo lagu qabtay Degmada Baligubadle.
Ugu horayn, waxa uu Faysal reer Baligubadle kula kaftamay inuu isagu
magaalada keenay bisadii u horaysay, isaga oo u hogo tusaaleeyay
inaanay isaga iyo Baligubadle isku cusbayn, waxaanu hadalkiisa ku
bilaabay sidan: “Waad ku mahadsantihiin soo dhawaynta aad isoo
dhawayseen, anigu nin reer Baligubadle ah ayaan ahaye, ragga kale
waan ka xigaa magaalada. Dorraad markaan idhi waxaan tagayaa
magaalada Baligubadle, gabadh aanu habarwadaag nahay ayaa igu tidhi
ma u sheegtey reer Baligubadle in Bisaddii ugu horaysay aad keentay
Baligubadle, markaa Bisadaha Baligubadleba aniga ayay tafiirtoodu
iga soo jeedaan.
Baligubadle waa magaaladii xarunta u ahayd halgankii, anagu haddii
aanu Ucid nahay halgankii SNM ayuun baanu sii wadnaa, yaa u cida
dalka, Ucid baa u cidaay, dumarka yaa u cidaay, ucidbaa u cidaay,
caruurta yaa u cidaay, Ucid baa u cidaay, halkaas ayaa magaca Ucid
ka yimi, waa yaa u cidaay.
Waxaan idiin sheegayaa, dalkeenu mar buu khatar inaga galay, waynu
soo ceshanay dalkeenii, ILLAAHAY (SW) ayaa mahadaa leh, intii u
dhimatay ee u shihiiday ILLAAHAY janadiisa ha siiyo, intii iminka u
waalatay ee aynu ognahay ee dalka xoreeyay ee daryeel xumo u
waalatayna ILLAAHAY (SW) caafimaad ha siiyo.
Maanta dalkeenii waynu hantinay, laba qodob ayuu dagaalkeenu ku
qotomay, midi waxay ahayd in aynu dalkeena soo ceshano oo aynu
maamulkiisa iyo taladiisa soo ceshanaa, oo aynu is badbaadinaa oo
mar dambe aan la ina odhan waa la dabar-goynayaa, midina waxay ahayd
in aynu dhisano dawlad wanaagsan oo caddaalad ah oo dadka deeqda oo
aan qabyaalad ku fadhiyine Kitaabka ILLAAHAY (SW) iyo sunaha
Rasuulka (CSW) ku dheehan. Waa tii aynu ku samaysanay Tawxiidka,
ALLAAHU AKBAR baynu ku dagaalanay, ILLAAHAY-na (SW) tii buu guusha
inagu siiyay, maxaynu ALLAAHU AKBAR ku bedelnay? Habro ayaynu ku
bedelnay, habrihii aynu ku bedelnay maxay keeneen? Abaar bay keeneen,
is-nebcaansho ayay keeneen, dhimasho kale ayay keeneen, waxay
keentay in caruurteenii inaga oo maanta 17 sanno dawlad sheeganaynay
ay badda galaan.”
Md. Faysal Cali Waraabe,waxa uu intaas raaciyay, “Dawladdii
Soomaaliya 17 sanno markii ay jirtay waxay noqotay dalkii ugu xooga
badnayd dawladaha Madow, inagana waad arkaysaan, wax kale iska
daayoo, darajada askariga la siinayaa ma ictiraaf bay u baahantahay
adiga ayay gacantaada ku jirtaaye? Maamulkaaga adkayso ma ictiraaf
bay u baahantahay, yacnihii waxaad arkaysaa waxa weeye in
hogaankeenu liito, ilaa lixdankiina inagu waynu sii fool-xumaanaynay,
lixdankii maalintii aynu gobanimada qaadanay wax inaga dhaca
mooyaane waxba inooma kordhin haddii aynu nahay reer Somaliland,
maxaa inoogu wacan hogaan xun baa inoogu wacan, hogaanka ayaynaan ka
fiirsan jirin.
Magaalada Baligubadle maanta way kortay, waanay waynaatay, laakiin
mushkiladu waxa weeye, Biyo malaha, Nal malaha, caafimaad wanaagsan
malaha, shaqo malaha, sidaas ayaynu u taagtaaganahay, maxaa inoogu
wacan? Waxaa inoogu wacan dawladdii dhexe ayaan shaqaynayn, waayo
dad aan u ehel ahayn ayaa xukunkii qabtay, waa in ay xukunka qabtaan
dad u ehel ah oo dadka ka naxaya, oo ilmaha u samaynaya mustaqbal,
oo hooyada caafimaadkeeda ka shaqaynaya si ay u dhasho ilmo
caafimaad qaba.
Waynu ognahay oo markii dalka laga xaqay ee Faqash ina laysay, reer
miyigi ayaa inoo baxay, caruurtoodii bay keeneen, xoolahoodii bay
keeneen, biyahoodii bay keeneen, caanahoodii bay keeneen dib looma
soo eegin, wax ceel u qodayna ma jiro, illaa hadda caruurtiinii
waxay ka cabaysaa taayirka biyaha sidii shinbiraha, halkii ay biyo
nadiif ah cabilahaayeen, halkii caruurta ay iskuul fiican u geyn
lahaayeen, sidii macalinku lacag fiican u qaadan lahaa, intii midna
ma hayno walaalayaal, maanta waxa weeye, way dhaaftay kaftan
kaftankii, maanta waxa loo baahan yahay dawlad wanaagsan oo aynu
foodkeena ku hagaajino, oo aynu ILLAAHAY (SW) barinee in uu
foodkeena ku hagaajiyo saddexda qof (Saddexda Xisbi) ee hadlaya kii
khayr qaba ee iimaan qaba.
Gobolka Hawd waxa uu noqonayaa gobolka ugu wayn Somaliland ee ugu
khayraadka badan, laakiin goorma ayuu noqonayaa? Dawladdani way
magacawday laakiin kuwii horumarinayay ha yimaadaan, haddii annaga
ILLAAHAY naga dhigana waa Alxamdulillaah, haddii aanu khayr noo
lahayn ILLAAHAY annaga xukunka nooma keeno, ILLAAHAY baa og qofka uu
soo saarayo, aniga Faysal Cali Waraabe ahaan haddii ay khayr ii
leedahay ILLAAHAY ha ii dhiibo, haddaanay khayr ii lahayna ILLAAHAY
iima dhiibo, waxba ku falimaayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in
wanaagiinu ku jiro in aad dadka wanaagsan doorataan, oo aad
qabyaalada iska dhaaftaan, qabyaalad iyo Islaamnimo meel ma wada
gasho, dadka Islaamka ahi waa wada walaalo. Hase yeeshee, inagu
faamli baynu nahay, haddii aynu wada abtirsano, waliba beel ahaan
reer Sheekh Isaxaaq, qaar baa sagaal ka tirsada Sheekh Isaxaaq,
faamli yar oo iminka soo kacay oo ILLAAHAY barakeeyay oo uu badiyay
baynu nahay, laakiin cudurkeenu waxa weeye inaga ayaan is jeclayne
ee aynu inagu is jeclaano, maanta haddii aynu is jeclaano oo
Kitaabka ILLAAHAY qaadano dhulkeenaasi barwaaqo ayuu noqon doonaa,
dhulkeenu waa dhul barwaaqo ah laakiin waxaynu la’nahay hogaan
wanaagsan oo iimaan qaba oo ILLAAHAY ka baqaya, ILLAAHAY ha inoo soo
saaro hogaan wanaagsan.”
Faysal, waxa uu dadka ugu baaqay inay doorktaan dadka wanaagsan,
waxaana uu yidhi, “Waxaanu jecelnahay in aad dadka wanaagsan
doorataan ee ILLAAHAY ka baqay, oo foodkiina ayaa xoog lehe
foodkiina qaad ha siisanina, hadhawto jiingadda Iskuulka waa lagu
qayilayaa, kursiga waa lagu qayilayaa, waxaa maanta dawladdu ku
qayilaysaa waa Tamaashiirtii, waa Jiingaddii, waa Mushahaaraddii,
waa Kursigii, Dawadii caruurta ayaa lagu qayilayaa, waxaa maanta
magaaladaa Hargaysa lagu cunayo haddii aad aragtid, Wasiir kastaaba
marshaf wayn buu samaystay iyo afar af-miishaan oo leh wax ku
dhaamaa ma jiro, waar waa lagu dhaamaaye orodoo meeshii lagaa soo
doortay wax gee, markaa ILLAAHAY (SW) dad khayr qaba dalka ha inoogu
bedelo.”
Ugu dambayn waxa uu reer Baligubadle ugu baaqay inay ilaashadaan
qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi, “Walaalayaal Ciidiina
ilaashada, Somaliland ku adkaysta, waad adkaysateen oo waa la
ogyahay, waxaa shir la qabtay, cid reer Baligubadle ah oo shirarka
lagu qabtay Koonfur ka qayb galaa ma jiro, taana waad ku
amaanantihiin, baal dahab ah ayaad kaga jirtaan Somaliland
walaalayaal, dadkiinii halgamay baal dahab ah ayaad kaga jirtaan.”
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|