Diiwaan Gelintii
Gobolka Sool Oo La Soo Gabo Gabeeyay
Maanta ayaa waxa ay ku beegan tahay isdiiwaangelintii Gobolka Soo
maalintii ugu danbaysayl ee ka socotay 6da maalmood ee loogu talo
galay iyadoo ay lixda malmood ee loogu talo galay isdiiwaann gelinta
Gobolka Sool ay usocdeen hawlaha shaqo ee Gobolka Sool si habsami ah
dadkuna safaf dhaadheer ugu jireen isdiiwaan gelinta goobaha ay ka
socotay.
Maanta ayaa waxaa kusoo qulqulaya gudaha magaalada Lascaanood babuur
faro badan kuwaas oo ah baabuurtii ka shaqaynaysay goobaha ka baxsan
magaalada Laascaanood ee Tuulooyinka iyagoo halkasi kusoo dhameeyay
hawlihii ay ka hayeen inkasta oo ay jirto dad wali si wayn u doonaya
in waqtiga loo kordhiyo si ay uga faa'iidaysaan hawlaha
isdiiwaangelinta walow maanta ay kaga ekayd.
Isdiiwaan gelinta Gobolka Sol ayaa guud ahaan ka dhacday marka laga
reebo magaalooyinka Taleex iyo Boocame iyadoo gobaha ay ka dhacday
Isdiiwaan gelintu ay uga socotay si habsami ah ayna dadku si wayn
ugu qanacsanayeen isdiiwaangelinta iyagoo shaqaalaha dhalinyrada ah
ee heeganka ugu jiray shaqadooda ay dadka deegaananada Gaobolka Sool
si wayn uso dhawaynayeen.
Arintan ayaa waxa ay tahay arin ka gedisan fikir laga aamin sanaa ka
hor intii aysan soo gaadhin isdiiwaan gelintu Gobolka Sool kaas oo
ahaa in ay kala kulmi doonaan dhibaatooyin iyo dadka oo ka hor
yimada kaas oo ay dadku qaateen badalkiisa ayna si wayn usoo
dhaweeyeen si habsami ahna isu diiwaan geliyeen taas oo Komishinka
qaranku si wayn ugu hanbalyeeyeen shacabka Gobolka Sool.
Hadaba waxaa la filayaa in waqtiyada soo socda ay Komoshinka qaranku
ay qabtaan shir jaraa'id oo ay kaga hadlayaan hawlaha isdiiwaan
gelinta ee Gobolka Sool iyadoo hadda ay so xaroodeen badi teamamkii
loo kala diray baadiyaha iyo tuuliyinka Gobolka Sool hadana ku sugan
yihiin shaldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood.
Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo
wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool
|