DHUUX
OO DHADHANSO
Qaybtii Afraad
Nabad akhristayaasha
sharafta lahoow,
Akhristayaal,
waa qaybtii afraad ee soo xigashada xigmadda faraha
badan ee afkeenna hooyo ku duugan. Murideenan
maantuna waxay leedahay:
" Ninkii
dhimiro loow waalidkaa
Dhaawdii lama diido
Haddana kaad dhaliil tuhusan tahay
Looma dhego koomo!!"
Murtida aan tixdan kooban
ka soo dheegan karnaa, waxa weeye:
-
in qofkii damiir
lihi u dhegonjuglaado waalidiintiisa - wixii aan
macsi Alle ahayn. Haddiise ay wax macsi Eebbe ah
ku amraan, lama adeecayo waalidka iyo cid kale
toona. Waxase inna saaran, in aan waalidka si
fiican ula hadalno - xataa haddii aynaan
fulineyn waxaasi macsida ah ee ay inna amreen!
- Tusaale ahaan,
hooyadaa baa ku tidhi, " Haddii aad ina hebel
madaxiisa ii keeni weydid kumaan dhalin ee dib
ha ii soo agjoogsanin!"
-
Shareecadda Islaamku kuuma ogola, in aad dhiig
muslim xaqdarro ku daadisid. Laakiin hooyadaa u
caqli celi oo si wanaagsan oo hufan ugu sheeg,
in aan Alle innoo ogolayn daadinta dhiig
xaqdarro ah.
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
DHUUX
OO DHADHANSO
Qaybtii Saddexaad
Akhristayaal
salaanta Islaamka kaddib, gabayaa Soomaaliyeed ayaa
xigmaddan innooga tagey. Wuxuna yidhi:
"Dhallaan
iyo adoo reer u weyn
dhaaxo lama laayo
Haddana kii aan dhawaaqaaga maqal
Looma wada dhaafo!"
Murtida ku jirtaa
waxay tahay:
-
Waalid haddii aad tahay -
gaar ahaanna aabbaha - had iyo jeer reerka ha
waysaaqin oo ha laynin ee hab kale u adeegso
tarbiyada carruurta. Weligaa askari ha noqonin
ubadka iyo ooridaba lagu cabsiiyo ee noqo aabbe
naxariis badan.
- Ha yeeshee,
haddii lagu maqli waayo; ul iyo edebi horay u
kala maarmi waayeen!
Dhuux oo ku dhaqan!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
DHUUX
OO DHADHANSO
Qaybtii Labaad
Gabayaa Soomaaliyeed
ayaa murtidan laga guntay.
Wuxuna yidhi:
" Dhalinyarada
kii kula cimri ah
Haddana wiil dhabada seegan
oo
dhoohan lama raaco!"
Ninkaasi, wuxu si
kooban oo xigmadaysan innoogu sheegay; in ay muhiim
tahay, in aad da'daada la tall aabsatid. Wuxuse ka
digey, in aad la jaashid (saaxiibtid )ama aad faraqa
ku xidhatid mid xaqa seegan oo aan cibaadeysan oo
aakhiro iyo xisaabta dambe moog amaba balwad (o) leh
ama danahiisa adduun yaba dayacay oo dhalanteed ku
nool!!
Dhandhanso oo ku dhaqan.
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
DHUUX
OO DHADHANSO
Gabayaa Soomaaliyeed ayaa murtidan laga hayaa:
Wuxu yidhi,
" Rag
kaa faqay
Rafiiq nimaad tihiin
Talo lagaa reebay
Halkii aan lagaa rabin
Indhaha lalama sii raaco!"
Allahayoow ninkaasi ma taliyey.
Dhandhanso oo ku dhaqan!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
|