KULAN
LAGU DHEX-DHEXAADINAYAY LABADA GARAB EE
KULMIYE OO LAGU GUULDARAYSTEY
Weriyaasha ku sugan magaalada Burco ayaa ku soo waramaya in
wadahadalo saddex geesood ah ay qaban qaabiyeen salaadiin iyo
odayaal beesha bariga Burco ay soo gebogeboobayn xalay
Wadahadaladaas oo min toddoba xubnood laga soo xulay labada kooxood
(garabka hogaanka Kulmiye) iyo garabka ka soo horjeeda iyo 7 oday
waxa lagaga wadahadlay siday wax u dhaceen iyo xalka suuragalka ah.
Waxa noo suurtagashay inaanu khadka telefoonka kula xidhiidhno Sulub
Jamac Cisman oo ka mid ah ergooyinka uga qaybgalay wadahadalada
kooxda ka kacday shirkii Golaha Dhexe waxa uu noo sheegay in kooxda
hogaanka xisbigu ay ku adkasatay in codbixintii dhacday 26 August ay
ahayd mid sharci ah, halka kooxda kale ay ku adkaysteen in lagama
maarmaan tahay in dib loogu noqdo shir kale oo Golaha Dhexe u dhan
yahay.
Kooxda hogaanka xisbiga waxa hormood ka ahaa Guddoomiyaha Axmed
Silanyo, waxana ku wehilnayey Moxamed Kaahin,Muuse Bixi Cabdi,
Moxamed Cabdi Iskeerse, Moxamed Beergeel, Abdi Aw Dahir inta la
magacaabay. Halka kooxda kalena ka koobnayd: Axmed Cali Cadami,
Cabdiraxman Aw Cali, Ibrahim Dhaqaweyne, Moxamed Moxamoud Cumar
Xaashi, Oday Dayr iyo Sulub Jamac iyo Dr. Cumar Dixood.
Waxay wararku intaa raaciyeen inay odayadii u garaabeen kooxda ka
kacday shirkii golaha dhexe oo la sheegay inay dow leeyihiin, lana
xaal mariyo.
Kooxda Axmed Silanyo waxay soo jeediyeen in dib raggu isugu soo
noqdo balse aan waxbla laga bedeleen go’aankoodii ayse u diyaar
yihiin wixii kale ee la wada qabsan karayo balanna qaaday inay
diyaar u yihiin wixii kale ay ka qabsadaan.
Hase yeeshee waxa la sheegayaa in kooxda kale ee diidan sida uu
qabsoomay shirkii golaha dhexe a ku adkaysteen i loo baahan yahay i
la saxo dhammaan wixii khaldamay e la qiray taasna lagu helo karo
shir kale o la qabto dibna loogu noqdo doorashooyinkii halkaa k
dhacay.
Ka dib ismari waagaa ayey odayadi soo jeediyeen in bal dib la isugu
noqdo mar kalena la isu yimaado berri 9ka subaxnimo iyada oo sida la
sheegayo aanay muuqan xal u cuntami kara kooxaha ishaya.
Source:SN
|