C/RISAAQ
XOGHAYIHII GOLAHA DHEXE EE KULMIYE OO ISKACASILAY XUBINIMADII IYO
XILKII UU HAYAY KULMIYE
Xoghayahii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE C/risaaq Jaamac Cumar
(Ina Ciyaale) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu u
hayay Xisbiga kulmiye ka tanaasulay xubinimadii kalsoonidiina kala
noqday Xisbiga sidaana waxa uu ku cadeeyey warsaxaafadeed uu soo
saaray caawa.
Anigoo ah Xoghayihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye magacayguna
yahay C/risaaq Jaamac Cumar ina ciyaale, waxaan manta oo ay bisha
August 28, 2008 aan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay
xilkii xog-hayaha guud ee aan ka hayay golaha dhexe ee Xisbiga
KULMIYE sidoo kale waxaan guud ahaan kalsoonidii kala noqday ka mid
ahaanshihii Xisbiga KULMIYE waxaanan sidoo kale ugu baaqayaa
taageerayaashayda iyo inta kale ee aanu talo wadaaga leenahay inay
iyaguna qaataan mawqifkayga oo kale sabababaha hoos ku qoran awgeed.
Sabababaha igu kalifay go’aankan igu dhaliyay inaan kalsoonida kala
noqdo Xisbiga Kulmiye waxay igu dhasheen markii uu ka qabsoomay
magaalada Burco Shirweynihii labaad ee golaha dhexe ee Xisbiga
kulmiye, August 23, 2008 ilaa August 26, 2008 ka qabsoomay,
1- shirwaynahaas oo aan marka horaba ka biyo diidsanaa habkii loo
soo qaban qaabiyay iyo habkii loo soo xulay ergooyinkii shirweynaha
kaas oo lagu duudsiyay saamigii ay xaqa u lahaayeen degaanada aan ka
soo jeedo.
2-Markii uu qabsoomay shirwaynahaasi waxa lagu doortay shir gudoon
aan ka mid ahay fadhigii kowaad ee shir waynaha waxa markiiba soo
waajahay shirka xaalad xasaasi ah oo siyaasiyan iyo fikriyan lagu
kala qaybsan yahay ka dib markii la ogaaday in gudoomiyaha xisbigu
uu gaar u calmaday mid ka mid ah musharaxiinta jagada Madaxweyne
ku-xigeenka ku tartamayay ee Xisbiga isaga oo si cad ugu ololeeyay,
musharaxiintii kalana waxay taasi ka muujiyeen dareen walaac leh
taasi oo sababi gaadhay inuu shirkiiba gacantayada ku bur buri
gaadho
Qodobka la isku hayay wuxuu ahaa qodob ka mid ah xeer hoosaadka
golaha dhexe ee tilmaamaya habka loo dooranayo musharaxiinta, waxa
daraafkii gudi qaban qaabadu soo diyaarisay ku qornaa waxa helaya
musharaxa hela cod hal dheeri ah, waxa kale oo shirkii laga soo
jeediyay fikrad ah waa inuu helaa cod buuxa uu helaa musharaxa ku
guulaysanaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, taas oo la
yidhi waxaynu waafajinaynaa xeerka xisbiga oo gudoomiyaha iyo
kuxigeenadiisa marka la dooranayo lagu kala saaro.
Taas macnaheeda waxaanu u aragnay in cod loo qaado ay la mid tahay
doorashadii oo dhacday oo qolada waydaa shirkii ka dareerayaan
ayaanu ka baqanay, markaa shir gudoon ahaan go’aansanay in aanu
maalintaa shirka xidhno si aanu isugu soo dhawayno musharaxiinta iyo
dareenka ay ka qaateen Gudoomiyaha Xisbiga, oo isagu aan musharaxa
madaxweyne nimada xisbiga cidi kula tartamayn, balse si xoog leh ugu
ololaynayay musharaxiinta ku loo lamayay jagada Musharaxa Madaxweyne
ku-xigeenka, waxaanoo suurta gashay inaanu shirka xidhno oo aanu
galabtii fadhi isugu keeno Gudoomiyaha Xisbiga iyo afarta gudoomiye
ku-xigeen ee Xisbiga iyo afarta musharax ee madaxweyne ku-xigeenka
iyo afar oday oo la socday, xog-hayaha guud ee xisbiga, ku xigeenka
labaad ee golaha wakiilada, sadexdayadii xubnood ee shir
gudoominayay shir weynaha, si kasta oo aanu isugu dayno in aanu ka
dhalino fadhigaas isu tanaasul isu soo dhawayn is qancin.
Wuxuu ku gabagaboobay baanis is eedayn iyo dhinac wal oo aan ka
dhaqaaqin meeshiisa, dhinaca in uu garaabo ahayd wuxuu ahaa dhinaca
gudoomiyaha isla markaana ahaa murashaxa madaxweynaha aan cidi la
tartamayn, balse taasi may dhicin kamanay suurta galin, markii aanu
xal kale waynay madax meel ka saraysaana aanay jirin waxaanu u soo
jeedinay dhinacyadii is hayay in bari cod loo qaado, oo wixii la
isku hayay natiijada ka soo baxda cid walba ku qanacday shirkana
sidaa bari lagu furo.
3-Subaxnimadii markii la isku yimiday madasha shirweyanaha waxaanu
maqalay in aanay imanayn laba musharax oo u taagnaa jagada
Madaxweyne ku-xigeenimada oo kala ah Cabdiraxmaan aw cali faarax iyo
Axmed Xaaji Cali Cadami shir gudoon ahaan waxaan u dirnay ergo
laakiin ergadii umay suurta galin inay shirweynaha keenaan labadii
musharax, dhinaca kale ee madasha shir weynaha ku sugnaa waxay ku
adkaysteen in shirka la wado maadama uu kooramkii dhan yahay wada
tashina la galnay gudoomiyaha xisbigu wuxuu ku adkaystay in sidaa la
yeelo.
Markaanu shir gudoon ahaan eegnay khilaafka siyaasiga ah iyo ka
sharciyadeed waxaanu go’aansanay in aanu badbaadino sharciyada aanu
ku fadhino iyo ta ku qoran xeerka oo aanu raacno sharciyada maadama
oo kooramka shirku dhan yahay, si aanay u dhicin in shirkii
gacantayada ku burburo sidaas ayaan shirkii ku bilownay laguna
ansixiyay sharciga xisbiga iyo Musharaxii madaxweynaha ee xisbiga oo
gudoomiyaha aanay cidi kula tartamayn iyo musharaxii madaxweyne ku
xigeenka waxaanu shirkii soo gabagabaynay shirkii markii lagu
dhawaaqay liiska gudida fulinta ee xisbiga kulmiye lana ansixiyay.
4-Mashaqada labaad waxay dhacday oo laysla oogsaday markii lagu
dhawaaqay liiska magacyada gudida fulinta ee xisbiga kulmiye taas oo
ergooyin badan oo ay gudoomiyaha aad isugu dhawaayeen ay ka biya
diideen qaabka cadaalada ka baxsan ee loo soo xulay xubnaha gudida
fulinta ee Xisbiga KULMIYE, haday tahay kaadiriinta xisbiga iyo
haday tahay saami qaybsiga loo sameeyay degaanada.
Haddaba markaan arkay kala jabka culus ee ku dhacay xisbiga oo uu
guul u arko gudoomiyaha xisbiga KULMIYE sida uu warbaahinta ka
sheegay taasi waxay aniga ii muujinaysa hadii uu gudoomiyuhu ku
guulaysto madaxtinimada Somaliland hadii ay ku timaado inay gobolada
qaar ka maqnaadaan inuu guul u arki lahaa labada gobol ee kale ee
soo hadhay sida hadaba dhacday.
Gabagabadii markaan arkay arimahaa aan kor ku soo sheegay ayna ii
muuqatay in ilaa bilowgii shirka ilaa dhamaadkii uu gudoomiyaha
xisbiga kulmiye uu kaligii maroorsanayay taladii xisbiga isaga oo
adeegsanaya mansabka uu xisbiga u hayo, ay taasi dhaliso inay
dhinicii kale wax tanaasul ah samayn waayeen, taas oo ka marag
kacaysa in dhamaan dhinacyada isku haya xisbiga KULMIYE ay ka door
bideen danahooda gaarka ah in aan dhinacna u tudhin danta guud ee
xisbiga iyo tii caamka ahaydba labadaba.
Markaan tix galiyay in danta guud ee qaranimada Somaliland ku jirto
ilaalinta, wada jirka iyo is aaminka guud ahaan beelaha Somaliland
iyo ilaalinta nidaamka dawliga ah ee ku dhisan habka xisbiyada badan
ee dimuqraadiga ah anigoo xog ogaal u ah marxalada siyaasadeed,
dhaqaale iyo bulsho ee ka aloosan mandiqada geeska afrika iyo ta ka
jirta gudaha Somaliland .
Waxaan go’aansaday inaan kalsoonidii kala noqdo Xisbiga KULMIYE
aniga oo ugu baaqaya dhamaan taageerayaashayda iyo cid kasta oo tala
wadaag naga dhexeeyo inay go’aankaas oo kale qaataan iyaka oo eegaya
maslaxada ummadda.
Waxaan u balan qaadayaa taageerayaashayda iyo inta aanu talo wadaag
leenahay xag deegaan iyo xag afkaareedba in aanu wadajir uga wada
tashan doono mustaqbalka siyaasadeed halkaanu u guurayno iyo xisbiga
aanu ku biirayno aan ka tashan doono si wada jir ah oo aanan kaliday
gaadhi doonin go’aan.
Source:Togaherer
|