Afar Qodob Oo Uu Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan Ku Noqon Karo
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Inkastoo aan la gaadhin Muddadii loo cayimay qabsoomidda Shirwaynaha
Xisbiga Waddani oo ah halka lagu jaan goy nayo Hoggaanka sare ee
Xisbiga rejada Shacabka, dhammaan taageerayaashiisu na diyaar u
yihiin la shaqaynta cid da loo doorto, haddana waxa aan idin la
wadaagayaa Afar Qodob oo aan u arko in ay sababi karto in Hoggaamiye
Xir si Cali X. Xasan loo doorto Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro) beddeli doona.
Q/1aad: Beesha Bariga Burco oo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo
jeedo waxa ay si aan kala hadh lahayn u noqde en Mucaarid ku qancay
Dariiqii Siyaasadeed ee Xirsi ugu yeedhay shan Sano ka hor. Waxa ay
markhaati u fureen in uu ka saxsanaa yar iyo wayn, xitaa Madaxwayne
Siilaanyo na ku dhahoo. Waxa ay isku raaceen in inta Xirsi arakayay
aanay iyaga u muuqan oo hungadii uu uga digayay iyo dabinkii Muuse
la maagganaa ay ku dheceen. Taasi waxa ay Be eshan ku keentay in ay
indhohooda iyo garaadkoodii ay ka jeediyeen ba ay mar qudha Xirsi ku
eegaan oo dareemaan Ruuxda Hoggaamineed ee ku duugan, Siyaasad
ahaanna qaar badan oo ku ceebaynayay fekerkii uu 2015kii qaatay na
ku daba faylaan. Waxaabad moodaa in ay rumowday Heestii ay ugu
heesayeen ee ahayd:
“Siilaanyo Dabadii
Noo noqo Siyaasiga
Somaliland Haga.”
Hadaba, Maadaama Codka Bulshadani go’aamin doono Natiijada
Doorashada, Xirsi na kalsoonidaa ay ku qabaan, waa suurogal in uu
bedelo Guddoomiye Cirro oo xisbigu odoroskan arko.
Q/2aad: MIISAANKIISA SIYAASADEED; Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan
waxa uu bulshada Somaliland baray in uu yahay Siyaasi Miisaan culus,
aragtidiisana ku qancin kara dad badan. Dhaawaca uu gaadhsiiyey
Xirsi xisbigii Kulmiye ka dib markii uu diiday Jujuubka Muuse loogu
cumaamaday, si la mid ah sida ay dhayda uga cadaysay in uu yahay
Siyaasi Ildheer waxa ay daaha ka qaaadday Miisaankiisa Siyaasadeed.
Waxa mar isla casilay oo fekerkiisa la qaatay kala badh Xukuumaddii
xilligaas talinaysay oo lagu tilmaamo tii ugu tunka waynayd ee
Waddanka ka arrimisa iyo kala badh Xisbigii kulmiye. Tiraba 2 Jeer
oo xiligii Xirsi ka horaysay iyo mid ka danabaysa ba Xisbiga Kulmiye
Doorashooyin dhexdiisa ahaa khilaaf iyo kala jab waa ka dhashay
balse mar na ma dhicin in tiro leeg Garabka Isbaahaysigu ay ka
tagaan. Labada ka horreeyey mar wuxuu ahaa Xiligii Cabdiraxmaan Aw
Cali Faarax iyo Saylici la kala dooranayay oo Garabkii Tolwaa aanay
saamayn ku yeelan xisbiga. Markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna
aan wax-ka-soo qaad yeelan iyo mar ka danbeeyey oo ahayd Markan
Maxamuud Xaashi oo uu keligii ka huleelay Xisbiga balse aan hal qof
-Xubin Gole dhexena Alle ha ka yeelee, aanay fekerkiisa raacin ee
isagoo suke ah uu debedyaal ku danbeeyey.
Tani waa astaan caddaynaysa Misaaanka Siyaasadeed ee Xirsi, waana
mid sababi karta in Xubnaha Xisbigu ugu xishaan Guddoomiye na ugu
doortaan.
Q/3aad: SALBALLAADHNIDA SIYAASADDA XIRSI; Weelka siyaasadeed ee
siyaasigu tosho wxay ka caawisaa Hiigsiga mustaqbalka. Xirsi Cali
Xaaji Xasan intii uu Siyaasadda ku jiray laguma xaman, lagumana arag
qoqob bulsho iyo qabya alad, halkay doonto ba ha joogtee. Waa siyaasi
furan oo aan albaabbadiisa Laxaamad Qabyaaladeed ku xidhnayn,
da dkana kula saaxiiba Feker ee aan caabudin Qolada. Waxa ku xidhan
oo la jaal ah Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda Gobollada Dalka,
halka Siyaasiyiinta lodkiisa ahi ku mashquulsanyihiin kala xantaynta
Jufadooda. Tusale ahaan, qaar Siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin oo
Xirsi lodkiisa ahi waxa ay Lacag ku bixiyaan kala shirinta, kala
xuuraamidda iyo isku eryidda beeshooda.
Xirsi hal maalin lagama hayo arin qoqob ah, Maalinna lagama arag
kala qaad qaadka beesha uu kasoo jeedo, iska dha afe xitaa dhammaan
beelaha Dalka, maadaama Xisbigu aanu u baahnayn qof godobaysan waxa
laga yaabaa in Xisbig u Salballaadhnida Siyaasadiisa awgeed
Guddoomiyaha ugu cimaamadaan.
Q/4aad: KARTIDA XIRSI, HAYALSAMIDA JIRDE & HOGGAAMINTA CIRRO; marka
la joogo Xisbiga Waddani, saddexda Xil ee ay kala hayaan Cirro,
Xirsi iyo Jirde waa kuwa ugu sarreeya Xisbiga. Guddoomiye Cirro waxa
laga yaabaa in uu Guddoonka wareejiyo inkastoo aanay jirin wax ku
khasbaya in aanu taramin haddana sida ay u badan tahay waa uu
wareejinayaa, haddii taasi dhacdo waxa isku soo hadhaya Xirsi iyo
Jirde. Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde waa astaan Qaran iyo mid Xisbi
oo Ixtiraam iyo mudnaan ka mudan dhamaan Bulshada Somaliland. Waa
Oday Waayo arag ah oo mudan in uu waddanka Hoggaamiyo. Balse isagoo
dardargelinta Hawlaha Xisbiga iyo in uu Guulaystaba ka talinaya waxa
laga yaabaa in uu Xilka Guddoomiyaha u garto in Xirsi oo ka da’yar
laga dhigo. Waa qodob aad u macquul ah oo qof kasta oo dadnimada
Jirde garanaya iyo halka uu Xisbiga ka joogo uu saadaalinayo in uu
dhaho “waqtigaygii u bad naa waan soo qaatay oo carcar iyo orod
badani iguma hadhine ninkaas dhallinyarada ah u dhiiba anna
Khibraddayda iyo Waayo aragnimadayda ayaan la garab taagnaan doonaa”.
Bir kumaan jarin balse waa afar qodob oo aan isleeyahay aawadood
Xirsi Cali X. Xasan gafi mayo Xilka Guddoomiyah a, Ilaah baana
garanaya cidda noqon doonta wixii ka danbeeya 31 October oo wax
kastaaba dhayda ka caddaan doo naan.
Haddaanu Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga nahay na waxa naga
go’an la shaqaynta Xubin kasta oo naga mid ah oo noqota Guddoomiyaha
Xisbiga Waddani ee waxba qolada Kulmiye yaanay cimri dherer ka
dhiganin wadwadka hawlaha xisbigayaga dhexdiisa ee tiina baylahda ah
kala gurta ayaan leeyahay.
Qore: Siyaasi Abiib M. Waasuge
London,UK |