Ilaahay dartii
ku caawi Hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe, oo haysata inamo ay dhashay
oo xaga maskaxda ka xanuunsanaya.
Wareysigii
Timacade News ka qaaday Hooyo
Xabiiba Jaamac Caynaashe
Hargeysa (TNN)-Weriyaha
Timacade News ee magaalada Hargeysa,Guuleed
Muxumed Ibrahim (G uuleed Yare),
ayaa booqosho ugu tegay Hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe,
si uu ugu kuur galo xaalada ay ku sugan yihiin iyada iyo
saddexda wiil ee ay dhashay , oo
dhammaantood maskax da ka xanuunsanaya.
Xabiiba Jaamac Caynaashe,waa Hooyo
haysata
Sadex inamood oo maskaxda ka buka ayaa ka co dsatay Dadwaynaha
Muslimiinta Ah Inay Illaahay Dartii U Soo Caawiyaan
Bisha Barakaysan
Ee R amadaan oo aynu ku Jirno dabayaaqadeedii, aaxaanay Hooyadani
sheegtay in Ilaahay iyo uma da muslimiinta ah mooyaane aanay cidkale
Oo ay wax kasugayaa Jirin.
Hooyo Xabiiba Jaamac waxa ay ka warantay xaalada Sadexdan inamood ee
ay dhashay oo dh amaantood Maskaxda ka Xanuunsan aya Kuwaasi Oo Kala
Ah Cali Muxumed Kaahin Oo
50 Jir Ah, Maxamed Muxumed Kaahin
oo 49
Jir Ah Iyo Idiris Muxumed Kaahin Oo
45 Jir Ah iyada oo noo she egtay in ay
inamada qaarkood mar mar iyaga
oo Qaawan guriga ka baxaan.
Sidoo Kale Xabiiba Jaamac Caynaashe waxa
ay sheegtay in ay dhibaato badani ka haysato dar yeelka Nololeed Ee Inamadan Isla Markaana Wax
Kasta Oo Deeq Ah Oo Soo Gaadhaa Ay Nolosha Qoyskan Wax Weyn Ka Tari
Doonaan, Waxaanay Dhamaan Umadda Muslimiinta Ah Ka Codsatay Inay
Kala Qayb Galaan Daawaynta Inamadan Xaga Maskaxda Ka Buka, Waxa Kale
Oo Ay Intaasi Ku Dartay In Aanay Haysan Hoy Hagaagsan Oo Ay Roobabka
Kaga Gabadaan Sida Ka Muuqata Muuqaalkan.
Xabiiba waxay intaasi ku dartay in ay qoyskani Illaahay inta
ka sokaysa ay sugayaan dadka Muslimiinta ah ee Gargaarka u fidiya iyada Oo Aad Uga Mahadnaqday Dadkii Hore Usoo Caawiyey
ee ka damqaday dhibaatada Haysata Masaakiintan oo ubaahan Garga ar
Bani aadanimo.
Sidoo kale Siraad Maxamuud Cawad ,oo sheegtay
inay ilaahay dartii uun u caawinayso oo aanay ehel iyo qaraabo toona
ahayn qoy skan dhibaataysan ayaa sheegtay inay u hayaan lacag dhan $10,000 Oo
Dollar iyo dheeraad Iyada oo sheegtay lacagtaasi inay ug u talo galeen
in Guri loogu dhiso balse lacagtaasi ay u deeqi wayday wax
guri loogu dhiso.
Wixii aad Ilaahay dartii ugu caawin karto ugu hagaaji
Dahabshiil Account:
D-27418
Telephone #: 00-252-2-4403307
Hargeysa Somaliland
Weriye Guuleed Muxumed Ibrahim
(Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|