lunsasho
hantiyeed umadda yaa ka masuul ah
Sida aad la socotaan waxa uu madaxweeynuhu uu ku yimid Norway laba socdaan oo aad muhiim u ahaa waxaayna ku soo dhaweeyeen wafdiga gacmo furan oo sharifi ku dheehantahay,hadaba Jaaliyadda Somaliland ee Norway waxaay madaxweeynaha ka codsatay in loo furo xafiis ka wakiil noqda arrimaha siyaasaddda taasoo uu madaxweeynuhu aqbalay kuna balan qaaday. Mxaa dhacay kadib Wakiilka waxa uu sameeyay waraaqo Contract xafiis ah oo aan jirin si loogu soo shubo lacagta xafiiska ee uu madaxweeynuhu balan qaaday contractigaas ama ijaarkaas xafiiska ee been abuurka ahaa waxuu sameeyay bishii March 2008 waxaanu u ambabaxay Hargeisa isagoo sii raacay qolo Patroliumka ku jirta wakiilku waxa uu madaxtooyadda geeyay heshiiskii xafiis in uu furay oo been abuur ah. Waxaanu Madaxweeynuhu degdeg u balan qaaday in la bixinayo ugu dambeeystii bishii April Horaanteedii ayeey Madaxtooyadu amar siisay Baanka Somaliland in loo diro Wakiilka Norway xafiiskeeda oo loo qoondeeyay 5000 doolar Bishiiba lacagtaas oo katimaada canshuuraha laga uruuriyo danyarta sicir bararku dilooday .
Hadaba waxaan bulshada reer Somaliland ee degen gudo iyo debedba u sheegaaynaa in xafiis furani jirin lacagtana lagu soo diro xawaalad aan ahaayn Dahabshiil maadaama dadka ka shaqeeya aay yihiin muwaadiniin fahmaaysa arrinka. Waxaan u sheegaaynaa Xukuumada Riyaale ee aan daba socod ku sameeynaaynin in reer Norway aanay lahaayn xafiis wakiileed aay leedahay oo kaliya Xarun jaaliyadeed . Waxaan cid walba u sheegaaynaa in
arinkan la hubiyo lana wareeysto cid kastoo somalilander ah oo aay
quseeyso maadaama loo dul qaadan Karin in cashuurta danyarta lagu
feento Oslo Norway
lana moodo in xafiis u furan yahay.
Hadii
loo baahdo cadeeyn la xidhiidha xawaaladda iyo goorta lacagta la soo
diray waan haaynaa . Madaxweeynaha waxaan ugu baaqaaynaa madaxweeyne
waad fulisay balankii laakiin yaad u dhiibtay xafiisna ma jiro
manta.
|