Shabakada Caalamiga ee Timacade
News
Network (TNN),oo ku
dhawaaqday
shaqsiga &
shirkadda sannadka
2014
ee
Jamhuriyada Somaliland
Sida aynu la wada
soconno,bulshada afka Somaliga ku hadasha,waxay
ka siman yihiin,in marka qofku geeriyoodo,inay
Xabaasha ka dul
ammaanaan,balse aanay waxba
u qaban intuu noolaa,oo aanay aqoonsan waxtarkiisii ,wanaagiisii
,wax qabad kiisii,iwm.
Maamulka
Shabakada Caalamigaa ee
Timacade
News
Network (TNN),waxay
ugu baaqayaan,ku
baraaru jinayaan,dhammaan
shacab ka Somaliland,gudo
iyo dibadba,inay shaqsiyaadka bulshadeena
ka dhex ifaya,ee
aqoontooda,
maalkooda, maskaxdooda,
wadanini madooda iyo
wakhtigodaba u huraya dalkeena hooyo,in la
aqoonsado,la sharfo,la karaameeyo,loo abaal gudo,loona
mahad celiyo.
Shabakada Caalamigaa ee
Timacade News Network (TNN),oo
ah Shabakadii ugu horeysay ee sannadkii
2008 kii
bilawday inay qiime yn ku sameyso shaqsiyaadka iyo
shirkadaha Somaliland sannad walba, fursadna u siisa
inay shacabka Somaliland ka qayb qaataa n,una
codeeyaan,qiimeeyaana shaqsiga iyo shirkadda mudan in
lagu sharfo ,wax qabad,karti,daacadnimo,waxtar iyo hawl
karnim o.
Annagoo tix galinayna,ugana mahad celinayna dhammaanba
muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaatay Barnaamijkan
sannad la ha ah, ee Shabakada
Timacade
News
qabato,waxa
magac iyo sharafba noo ah inaanu ku dhawaaqno
Shaqsiga Sannadka ee
2014, oo noqday
Sheekh Aadan
Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) iyo
Shirkada Sannadka ee 2014,oo noqotay
Shirkada
SOMCABLE.
Maamulka Shabakada wararka ee
Timacade
News,waxay
hambalyo iyo bogadinba u dirayan
Shaqsiga iyo
Shirkada sannadka 2014
, waxaanan
Allaha awooda leh uga baryaynaa inay ku guuleystaan
hiyigooda,hadafkooda,hiigsigooda,hamigooda iyo
yoolkoodaba.
TIMACADE
NEWS
NETWORK
TNN
|