Maamulka Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),waxay ugu baaqayaan,ku baraarujinayaan,dhammaan shacabka So maliland,gudo iyo dibadba,inay Shirkadaha & Shaqsiyaadka bulshadeena ka dhex ifaya,ee Maalkooda, Aqoontooda,Maskaxdooda iyo Wa khtigodaba u huraya dalkeena hooyo,in loo mahad celiyo,la aqoonsado,la sharfo,la karaameeyo, ee aan la xag xagan !!!. Shabakada Caalamigaa ee
Timacade News Network (TNN),oo
ah Shabakadii ugu horeysay ee sannadkii
2008 kii
bilawday in ay qiimeyn ku sameyso shaqsiyaadka iyo
shirkadaha Somaliland sannad walba, fursadna u siisa
inay shacabka Somaliland ka qayb qaataan,una
codee yaan,qiimeeyaana shaqsiga iyo shirkadda mudan in
lagu sharfo,wax qabad,karti,daacadnimo, waxtar ,horumar iyo hawl
karnimo.
|