Shabakada Caalamiga ee Timacade News Network (TNN) , oo ku
dhawaaqday shaqsiga & shirkadda sannadka ee 2012




 

Shabakada wararka ee Timacade News ,oo ah  shabakadii ugu horeysay ee sannadkii *2008 kii bilawday inay qiimeyn ku sameyso shaqsiya adka iyo shirkadaha Somaliland ee dalka horumar kiisa qaybta libaax ka qaata,ayaa waxay shaqsiga sannadka 2012  u aqoonsat ay  Mada xweynaha  Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Dahabshiil Group , oo ku guuleysatay shirkada sannadka 2012.


Walaw aan la soo koobi karin  wax qabadkii Madaxweynaha Somaliland,ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2012, bal aan qaddar ka iftiimin no waxa u hir galay.Waxaa xadhigga laga jaray  mashaariic fara badan oo waxtar u leh Dalka iyo dadkaba,,sida wadooyinka ,biyaha, iskuul ada ,gegooyinka diyaaradaha,xarumaha agoomaha lagu xanaaneeyo,cus bitaalada ,iwm,

Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo),waxuu ku gu uleystay ,soona af jaray colaadii iyo dagaala dii ka aloosnaa Degaamada Buuhoodle ,ka dib  markay  guddoomeen gogoshii Nabadda ee uu Madaxweynuhu u fidiyey .

Waxaa iyana in la sheego mudan,laguna hambalyeeyo Madaxweynaha , Doorashadii Gol aha Degaanka ee inno qabsoontay 28 Novem ber 2012, kuna dhamaatay nabad gelyad a,beesha Caalamkuna ka  markhaati fureen inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.


Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News Network (TNN),waxay u aqoonsadeen Madaxweynaha Somaliland ,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),shaqsiga sannadka ee 2012, waanan ku hambalyeynaynaa.
 


 



Bal aan is dul taagnno Shirkada ballaadhan ee Dahabshiil Group & sannadkii 2012.Wax qabadka Shirkadu maaha mid ku kooban Jamhuuriy a da Somaliland oo keliya,balse waa mid ku baahsan Caalamka daafihiisa.Shirkadu waxay gacan ka gaysatay hormarinta Jaamacadaha, dh ismaha wadooyinka , taakuleyna agoomaha , dhismaha cusbitaalada , kor u qaadiada xirfada  shaqaalaha , kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka , iwm.


Shirkada Dahabshiil Group,waxay bishii barakaysneyd ee Ramadaanta u fidisay  ,dadka bukaan jiifka ee cusbitaalada 20 Magaalo,oo ku ya al Somaliland iyo Somaliya,sida  Hargeisa, Berbera, Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu,
Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool,  Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey,  500 oo neef oo adhi ah, kuna baxday in ka badan  xaddi lacageed oo ka badan US$50,000.


Shirkada Dahabshiil Group,waxay kor u qaaday sumacadii iyo karaamadii Jamhuuriyada Somaliland,iyadoo noqotay shirkad Caalamiya,oo Madaxda adduunku ku ammaaneen wax qabadkeeda,sida uu dhawaan ka dhawaajiyey,Wasiirka Maaliyadda ee dalka Koonfurta Sudan Mr. Kosti Manibe Ngai, oo waraysi uu siiyey Telefishanka Africa24 ee xaruntiisu tahay dalka Tanzania , ku ammaanay Bangiga iyo Xawaaladda DAHABSHIIL, oo uu ku tilmaamay mucjiso weji  cusub u yeelay nidaamkii Baananka iyo Maaliyadda ee Qaaradda Afrika.



Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News Network (TNN),waxay u aqoonsadeen Dahabshiil Group, shirkadda sannadka ee 2012 , waanan ku hambalyeyneynaa



 

 

 

 

 

 




Maamulka Timacade News Network (TNN)

 

 

 

 

 

 


* http://www.longlivesomaliland.com/Dr-Maxamed-Cabdillahi-Cumar-shaqsiga-sannadka-ee-2008-Person-Of-The-Year.htm

* http://www.longlivesomaliland.com/Shabakdda-Caalamiga-aj-ee-Timacade-News-Network-oo-munaasabad-loogu-duceynayo-Halyeygii-marxuum-Timacade-ku-qabatay-Hotel-Imperial-Hargeysa-Somaliland.htm