Muwaadin ka qayb
qaado dhismaha Jidka isku xidha Hargeysa ilaa iyo Xeebta
Waqooyi [www.Dawgacad.com]
Bulshadu hadii ay kheyrka isu kaashadaan wax badan bay
ka qaban karaan arrimaha kobcinta dhaqaala ha iyo
horumarka arrimaha ijtimaaciga ah sidasamaynta
Waddooyinka, Ceelasha, Caafimaadaka, Waxb arashada, naba
dgaliyada iyo wixii kale ee soo raaca.
Sida aan la socono habsami u socodka nolosha aadamuhu
waxay ka bilaabataa jiritaanka arimaha aan xagga sare ku
soo sheegnay,waxaana fulinta arimahaasi laga rabaa inay
qabato Xukuumadda ka jirta dalkaasi maadaama uu
waajibaad ka saaran yahaya daryeelka bulshada iyo
fulinta adeegyada aas aas iga ah ee aan xagga hore ku soo
sheegnay.
Laakiin taa macneheedu maaha haddii la waayo Xukuumad
awoodleh oo ku guuleysata inay sidii la raba y u fuliso
adeegga hawlaha furaha u ah habsami u socodka nolosha
bulshada waa in bulshada dhexdee da laga helaa dad isu
taiga qabashada hawlaha ay Dawladdu ka gaabisay inay u
qabato bulshadeeda.
Hadaba dhulka ay sida weyn u saamaysay baahida ay
bulshadu u qabto fulinta adeegyada aan kaga so o hadalay
xagga hore waxaa kamida deegaanada dhinaca waqooyi ee
gobalka Maroodijeex gaar ahaan dhulka buuraleyda ah oo
ay ku noolyihiin shacan badani.waxaana kamida waxyaabaha
ay dadkaasi sida weyn ugu baahanyihiin inay helaan
Waddooyinkii isku xidhi lahaa magaalada Hargeysa ilaa
iyo dhul –xe ebeedka Waqooyi.
Waxaanay arintaasi damaqday oo ka dhiidhiyey waxgarad ka
soo jeeda bulshada qaybaheeda kala duw an gaar ahaan sida
Ganacsatada,Culimadad,Haweenka,Dhalinyarada iyo
aqoonyahanka u dhashay deeg aanada waqooyiga Hargeysa
waxaanay dadkaasi waxqabadakooda ka bilaameen inay
sameeyaan jidkii buuraleyda ahaa ee isku xidhijiray
Hargeysa iyo Xeebta waqooyi,arimahaasina waxay hadda
marayaan meel aad u fiican,waxaana hirgelinta arimahaasi
si gaara isaga xilsaaray Ganacsade Cabdulqaadir Xaas hi
Cilmi,Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey [adan siiro]
iyo shakhsiyaad kale oo farabadan oo kamida dadka jecel
samafalka iyo horumarka umadda.
Ilaa haddana waxaa sosocta uruurinta dhaqaalihii lagu
fulin lahaa samaynta waddadaasi oo dheerarke edu
dhanyahay ilaa 30 km laga bilaabo Hargeysa ilaa iyo
Xeebta waqooyi,sidaa darteed muwaadiniinta u dhalatay
dalka Somaliland iyo cidii kale ee Ilaahay wax siiyey ee
jecel inay xoolahooda ku bixiyaan me el ku haboon waxaa
looga hahanyahay inay ku soo biiraan inay ka qaybqaataan
barnaamijkaasi kheyri ga ah isla markaana ay ku soo
tabarucaan inay wax kabixiyaan wixii Ilaahay siieyey.
Hadaba qofkii jecl in uu ka soo qaybqaato hawlaha
barnaamijkaasi waxaa loo balan qaadayaa in wixii ay
bixiyaan loogu qaban doono fulinta adeegga hawlaha iyaga
ah isla markaana aanay xoolohoodu gacant a u galidoonin
cid aan masuul ahayn,markale dadka Ilaahay wax siiyey
waxaa lagu dhiiri gelinayaa inay jeebkooda wax ka
bixyaan si wax loogu qabto bulshada u baahan samaynta
jidkaasi oo baahi aad u bad ani ka taagan tahay sababtoo
ah waxaamara gaadiidka isaga kala goosha Hargeysa iyo
Jabuuti waxaa nu jidkaasi maraa buuraha dhaadheer ee loo
yaqaano Dawgacad oo ah meel aad u khatar badan.
Wixii faah faahin ah ee aad uga baahantahay sida ay u
socdaan fulinta hawlahaasi iyo cidda gacanta ku haysaba
waxaad kala soo xidhiidhi karaysaan wixii macluumaad ah.
WWW.DAWGACAD.COM
Wixii Tabaruc ah waxa aad ku diri karaa:
1- Acount Numberka Dahabshiil Dahabshiil
(Account No:
HRGD20860)
2- Qaran Online
(Account No: 2194)
|