ILA QOSOL
Nabad akhristayaal,
Illayn tuug tab ma
waayee, beri hore ayuu meel miyi ah tuug ku arkay;
gabadh yar oo kelideed adhi la joogta. Tuuggii ayaa
damcay, in uu adhiga wax ka xado. Wuxuse arkay tii
yarayd oo foojigan oo adhigii dhextaagan. Dabadeedna
wuxu dejiyey qorshe uu yarta iyo adhiga ku kala kexeeyo
- si muraadkiisu ugu hirgalo!
Markii uu adhigii iyo
yartii ku soo baxay, ayuu si fiican u bariidiyey oo uu
tooydey. Markii ay isku sheegtayna, wuxu isaga dhigay;
nin adeer ugu toosan oo garanaya iyada iyo reerkoodaba.
Haddaba markii uu
arkay, in ay aamintay oo cabsidii ka ba'day; ayuu ku
yidhi, " Adeer waa maxay
gacantan ku laalaadaa?" Wuxuna u raaciyey,
" Sowtan
ku jaban!"
Inantii
yarayd ayaa ku tidhi, "Adeer
ima jabna, imana xanuunayso!" Dabadeedna,
intuu gacantiisii adkeeyey, ayuu dhaqdhaqaajiyey oo uu
ruxay. Markaasuu iyadana ku yidhi, "
Bal sidaasi dheh gacantaada." Markii ay
sidii tuugga tidhina, gacanteedii yarayd dhawr meelood
ayay ka liicday! Markaasuu ku yidhi, "
Adeer sow ma aragtid?" Dabeetana,
" Haa" ayay tidhi.
Markii uu arkay
inay rumaysatay, ayuu ku yidhi, "
Anigaa adhiga dugaagga ka sii ilaalinaye, orod reerkii
tag oo i kaba ku dheh." Tii yaraydna iyada
oo ooyeysa ayay xaggii reerka u carartay. Intii ay
maqnaydna, adhiga intii ka macayd oo ahminkii u badan;
ayuu sii kaxaystay.
Tuug iyo tabtii dheh.
weligaa ayaan lagula gaadhin!
|