ILA QOSOL
Markii ay arrintaasi
muddo socotey, ayaa ninkii Ingiriis meeshii laga bedeley.
Waxana ciidankii halkaasi fadhiyey loo dhiibey; nin
Soomaali ah oo weliba geeloodu ceelkaasi ka cabbo!
Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah; ayuu nin u bartay ciidamadii dadka caawin jirey ee ninkii Ingiriis haystey, geel soo arooriyey. Markii uu geelii soo horayna wuxu waayey, ciidankii joogtada ahaa ee dadka xoolaha la waraabin jirey. Dabeetana xaggii xerada ciidamada ayuu u cararay; isaga oo ciidan raadis ah. Markii uu meeshii yimidna cidiba way la hadli weydey!
Nin askartii ka
mid ayuu wediiyey waxa dhacay ee ciidanka helay! Ninkii
ayaa ku yidhi, " Waar ninkii
Ingiriis meesha waa laga bedeley oo ina hebel baa loo
dhiibee, bal orodoo u tag oo u dan sheego."
Ninkii oo cararaya ayaa taliyihii oo teendho (taambuug) hurda u yimid oo u dan sheegtay.Taliyihii ayaa ku yidhi, " Waar annagaba kaayagii ayaa horane orodoo cid kale doono!" Ninkii oo yaabban oo quus ah, ayaa yidhi, "Waar nin u geeloodu horan yahay, ayaa madax ka dhigi jirey!!"
|