Xulka kubada koleyga ee Gobolka Gabilay Oo Caawa Ku Guulaysatay Koobkii Tartankaas, casharanna u dhigay dhigooda Xulka Maroodi-jeex

 



Xulka gobolka maroodijeex iyo Taageerayaashooda oo miciin bideydhagax Tuur iyo Rabshado, ciidan booliska oo Rasaas oodkaga qaadey..............


Gabiley(TNN):- Xulka Gobolka Gabiley ayaa caaw ku guulaystay tartanka kubadda kollayga ee ciyaaraha goboladda Somaliland ka dib markii ay caawa ka badiyeen xulka mroodi-jeex oo ay caawa ciyaartii kama dambaysta ku wada yeesheen garoonka kubadda kollayga ee Tima-cad de ee Magaaladda Hargeysa.


Ciyaartan oo aad u xamaasad badnayd waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada dhalinyada iyo Ci yaaraha somaliland cali siciid raygal , Maaliyadda somaliland c/casiis maxamed samaale , Taliy aha Ciidanka Booliska somaliland, Xildhibaano ka tirsan Goleyaash barlamaanka somaliland, Ma amulka her gobol iyo heer degmo ee gobolka gabiley, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Kollay ga Somaliland iyo Boqolaal qof oo ka mid ahaa taageerayaasha labada xul.Ciyaartani oo aad u kululeyda ayaa lagu kala gobolka gabiley 58dhibcood, gobolka maroodijeex 52dhibcood, waxa aney guushu sidaa ku raacdey gobolka gabiley.


Markii ay ciyaartu dhamaatey ayaa xulka gobolka maroodijeex iyo Taageerayaashooduba bila aben dhagax tuur iyo shiida, waxaanu dhaawac fudud soo gaadhay qaar ka mid ah ciyaartoy ga gobolka gabiley, waxaan halkaasi lagu jajabiyey qaar ka mid ah gaadiidkii horyaaley Garoo nka baaskidka. Waxaaney boolisku miciiin bideen rasaas aad u faro badan si ay u xakameey aan dhagax uurka faraha badan ee ay tuurayeen taageerayaash gobolka maroodijeex.

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland