Somaliland: Xukuumadda Oo Beenisay In Wasiirka Daakhiliga Somalia uu
ka soo degay Berbera

Hargeysa (TNN):- Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa waxba
kama jiraan ku til ma antay warar ay baahiyeen shabakadaha wararka
qaarkood, kaasoo sheegaya in masu ul ka tirsan dawladda Soomaaliya
oo Somaliland yimi.
Shabakadaha wararka qaarkood ayaa maanta soo daabacay in Wasiirka
Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed uu shalay
socdaal ku yimi dalka Somaliland, taasoo ay masuuliyiinta Wasaaradda
Duulista Hawada Somaliland ku tilmaantay war aan sal iyo raadtoona
lahayn, isla markaana waxay masuuliyiintu sheegeen inay arrintaas
tahay mid aan dhici karin.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan masuulka dhinaca baratikoolka u
qaabilsan Wasaaradda Duulista Cabdilaahi Axmed Caarshe ayaa u qornaa
sidan:-
“Waxa mareegaha Somaliland ee wararka lagu baahiyey warar been abuur
ah oo lagu sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha dawlada Soomaaliya
Cabdikariim Xuseen Guuleed, uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee
Berbera, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaanan
odhan karaa waa warar lagu majara habaabinayo bulshada waxna loogu
dhimayo jiritaanka qaranka, sidoo kalena waa arrin ceeb loogu
raadinayo xukuumadda markii wax lagu eedeeyo la waayey.
Anigoo ka mid ah saraakiisha Wasaarada Duulista waxaan cadaynayaa in
warkaasi yahay been madaarada oo aanu xukunno annaguna kama soo
deign wasiirka ka tirsan dawlada Soomaaliya, waana arrin laga
xishoodo in wax allaale wixii la doono laga faafiyo qaranka, waxayna
u muuqato in aan waxba la xushmaynayn ee wixii la doono la qorayo.
Waxaan kula talinayaa warbaahinta in ay ka waan-toobaan beenta
qaawan ee intaa le’eg, ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, warbaahin
badan ayaa arrintaa wax naga waydiiyey markii aanu u sheegnay in ay
been tahay ma ay qorin, balse kuwo aan waxba na waydiin ayaa
faafiyey wararkan been abuurka ah.”
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa Somaliland
|