Wasiirka arimaha dibadu wuxu
garan la' yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so
doorte oo codka shacabka ku hadali kara
Waxan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay sida geesinimada leh ee
golihii wakiiladu heeryadii xumeyd ee guulwadeynta isaga rogeyn,
waxan leeyahay mudanyaasha heeryada tuurey halka ka wada shacabkaad
matashaane wa waajibaad idin saaran inaad toosisan maamulkeena
qaloocday, ''
waxan maanta leeyahay NOOLATEY IDIDIILADII NAXASHKA SAARNEYD. waxa
hambalyo iyo bogaadin iga mudan Xildhibaan Ibrahim M Buuba,
Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Hoori oo runtii maanta
waajibaadkoodi si geesinimo leh u gutey waan mid ay taarikhdu qori
doonto, mudo badan bu golahan wahabsaarna oo guulweyntu badneyd o uu
shacabku amakaagsanaayeen, waase guul maanta inoo kowsate haddii ad
kaga yoomiseen wasiirkii arimaha dibada ee warbixinta xaqiiqda ka
fog idinla yimid..
Waxan talo ahaan odhan laha mudanyaasha kale ee wali heeryadu
saarantahay waxan leeyahay waar shacabkaad matashan oo idin soo
doortey codkooda ku fadhidan golayaasha qaranka ee wa inaad
waajibaadkiina kaso baxdan o ad ogaatan wixi la idin igmadey iyo
hawsh qaranbku idinka sugayo,
Waxa qoraalkan gaaban igu kalifey markii aan saxaafada iyo
warbaahinta ku arkey habdhaqanka wasiirkeena arimaha dibada
somaliland md M A Omar oo warbixin siineyay golaha wakiilada JSLand,
Waxa runtii nasiib daro ah oo an markale aad uga xumahey wasiirkii
oo ku margaday su'aalihii xildhibaanadu weydiineyeen islamarkan u
adkeysan waayay su'aalihi islamarkan uu jawaab waafiya u waayay inu
ka bixiyo su'aalahaasi.
Waxa iyduna mid laga xumaado ah marku wasiirku kala garan waayay
xildhibaanadu shaqada ey qaranka u hayaan. waxa ka mid aha hadaladii
ee uu ku dureyay xildhibaanada adigu xildhibaan shacabka uma hadali
karti ee shakhsiyadaada u hadal intaasa inagaga filan wasiirku in
anu garneyba mas'uuliyada xildhibaanada golaha wakiilada iyo cida
soo doortey cida ay tahay, miyaanu ogeyn inu xildhibaanku yahay mid
shacabku soo doortey o codkii shacabku hadali kara, wa nasiibdaro in
maanta madaxdeeni aqoontoodu heerkaasi mareyso, waxba kusii dheeran
maayo wasiirka iyo maamulkeena qalcoon waxaad kaga bogon doonta
qoraalka hoostiisa sheekadii dhex martey wakiilada iyo wasiirka
arimaha dibada.
Waxa na hadalkeyga kuso gabagabeynaya xildhibaan waajibaad ba
kusaaran ee ka soo bax shacabku adigu ku igmaday ee wa inaad toosisa
maamulka iyo shuruucada qaranka oo anad cidna uga habran.
Waxan halkan idinkuso lifaaqey sidu aha jawiga golaha wakiiladu
maalintaasi wasiirku warbixinta la hore yimid golaha wakiilanda iyo
sida u ha jawiga wasiirku iyo xildhibaanadii geesiyada aha ee ku
boobey su'aalaha
http://www.gargaarnews.com/radio-gargaar-xildhibaan-buubaa-oo-suaalo-ku-qarqiyey-wasiirka-arimaha-dibada-iyo-wasiirka-oo-si-cadho-leh-uga-jawaabay-halkan-ka-dhagayso/
Omar Darood Hassan
Norway
|