Wasiir
Samaalle: “Odoroska 2014 Wuxuu Miisaaniyadda sanadkan ka badan yahay
3%”

Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu wehelinayo Hanti-dhawraha Guud ee
Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maali yada iyo saraakiil ka
tirsan wasaaradaas ayaa kulan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee
Wasaaraddaha Dalka iyo madaxda hay’addaha dawlada qaarkood,
kulankaasoo ay kula yeesh een hoolka Hay’ada shaqaalaha Dawlada ee
magaalada Hargeysa.
Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii ay masuuliyiinta Wasaaradda
Maaliyadu Hay’addaha da wladda ugu boorin lahaayeen inay soo
xareeyeen dakhli fiican oo ka badan kii sannadkii hore.
Wasiirka Maaliyadda ayaa kula dardaarmay, Agaasimeyaasha Guud inay
dedejiyaan xisaab-xidhka miisaaniyada ee 2013, isla markaana ay
diyaariyaan ku talogalka misaaniyad sanadeedka 2014.
Ugu horeyn Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale
ayaa yidhi. “Waxaad ka war qabtaan sanadkii hore meelo badan ayaanu
dakhliga ka kordhinay, dhamaana sidii aan u ugu talogalnay ayuu u
soo baxay, laakiin sanadka 2014, waxaa noo muuqda in dakhliga kord
hi karaa uu aad uga yar yahay korodhkii sanadkii kan ka horeeyay oo
waxa ku kordhi karaa sa nadka 2014, uu iska kooban yahay, waxaanu
idinka rabnaa in aad soo gudbisaan ku talogalka miisaaniyada 2014 oo
aanu ka war qabno in wasaaradduhu ay ku mashquulsan yihiin sidii ay
arrintaasi u soo diyaarin lahaayeen, waxaase aan idinku
wargalinaynaa in aad qorshaha ku d arsataan in miisaaniyada sanadka
2014-ka ay miisaaniyadu kordhi doonto 3% tii sanadkii 201 3-ka iyada
oo aynu ognahay in wasaarada ama hay’ad kasta oo Qaranka shaqo u
haysaaa ay u baahan tahay in miisaaniyad sanadkii hore ay wax ugu
kordhaan, si ay baahiyahooda u daboolaan, waxaase ina dabrayaa
waxaynu haysano.
Markaa ujeedada ugu way nee aanu
iskugu kiin yeedhnay waxaa weeye in aad sanadka ku soo xisaabtantaa
inay inoo kordhayso boqolkiiba saddex 3% baahidiinana aad sida ay u
kale daran tahay ugu qaybisaan 3%. Waxa aanu idiin balanqaadaynaa in
wixii cabasho ah ee aynu isla qaadano mid dakhligeedu yar yahay iyo
mid uu badan yahayba wixii baahi ah aanu dib idiin la eegno.”
Wasiirka Maaliyadu wuxuu kula dardaarmay Agaasimeyaasha guud inay
dardargaliyaan hawli hii dakhli ururinta ee ay hore u hayeen,
waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Dhamaan wasaaraddaha
dalka ee dakhli soo saarka nagala shaqeeya waxaan uga mahadceli
naynaa hawshii fiicnayd ee ay nala soo qabteen. Waxa kale oo aanu
idin kala dardaarmaynaa in inta sanadka inooga hadhay ay hawshooda
libin laabaan dakhligeenuna sida aad ka war q abtaan waxa uu aad u
kordhaa bilahan soo socda ee sanadka. Waxa kale oo aanu aad idiinka
codsanaynaa in xisaab-xidhada sanadkiiba aad saddexdii bilood ba
sida ay tahay u soo gudbis aan, si ay inoogu fududaato in
miisaaniyada 2014 uu u raaco xisaab xidhkii sanadka 2013 oo golaha
wakiillada ay mar u wada tagaan xisaab xidhka iyo miisaaniyada oo
goluhu u ansixiyo, Illaahayna xilkaa aynu ummaddeena u hayno ha inoo
fududeeyo dhamaanteen.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu Agaasimeyaasha Guud kula dardaarmay inay
ku talogalkii miisaan iyada 2014-ka keenaan 15/8/2013-ka. “Waxaanu
ku talogashanahay in ay wasaaraddaha ay nooga soo gudubto diyaarinta
miisaaniyadu 15/8/2013-ka inta bisha ka hadhsana aynu uga doodno
1/9/2013 aanu u gayno golaha wasiirada oo halkaasi lagaga doodo.
Qorshaha wasa aradda maaliyaduna waxa weeye in aanu dhamayno
mashaariicdii aanu wadnay guud ahaan intii miisaaniyada 2013-ka
noogu jirtay kuwa aanu bilownay iyo kuwa aanan bilaabinba. Inta
badanna dakhliga mashaariicda waawayni waxa ay hirgalaan sanadka
aakhirkiisa ujeedada k ulanka agaasimeyaashu iyo hawl wadeenada
kalena waxa uu daaran yahay in hawlaha Qaran ka la dardargaliyo.”
ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa Somaliland
|