Wasiir Samaale oo Halgan Adag ugu jira Burburinta shirka Beesha
sacad muuse, iyo Xukuumadda oo Maalgalisay Gulufyo Baabiiya

Wasiirka Maaliyada oo Garab ka helay Qaar ka mid ah golaha wasiirada
ee xukuumada Sila anyo......
Gabiley (TNN):-Wasiirka maaliyada somaliland Mudane Cabdicasiis
maxamed Samaale ayaa bilaabay halgan adag oo ku wajahan sidii loo
baabiin lahaa shirkaasi beel weynaha sacad muuse ay ku qabsanayso
degaanka Agabar ee gobolka Gabiley.
Wasiirka Maaliyada oo Garab ka helay Qaar ka mid ah golaha wasiirada
ee xukuumada sila anyo ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo Xubno kale
oo Xilal ka Hayay Xukuumada ayaa guluf culus ku kiciyay Shirkaasi,
Wasiirka Maaliyada iyo Xulafadiisa oo Dhaqaale Badan ku Bixinaya
Burburinta Shirkan beesha sacad muuse ayaa sidoo kale adeegsanaya
qaar ka mid ah cuqaasha gabiley iyo salaadiinta gabiley
Arintan uu wasiirka maaliyadu ku burburinayo shirka beel weynta
sacad muuse ayaa noqo naya mid uu meesha kaga saarayo Gudoomiyaha
Kulmiye oo ay loolan adag ku wada jiraan halka uu gudoomiyaha
kulmiye iyo masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka ganacsiga ay Raba an
qabsoomida shirka beesha sacad muuse. Kuwaasi oo ku rajo wayn in ay
isku keenaan labadii garab ee uu u kala qaybsanaayeen odayaasha
dhaqanka ee beel weynta sacad muuse.
Dhanka kale Warar Timacade News ka helayso ilo ku dhaw dhaw shirka
ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada iyo kooxdiisu ay wadaan Shir
odayaal ah oo ay rabaan in ay warbaa hinta kula hadlaan magaalada Gabiley ah, oo ay kaga soo hor jeedaan shirkaasi.
shir ay saaka Qabteen Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegnaka
gabiley, dhalinyaro, Gudoomiyaha awal galbeed oo Tageersan shirka
sacad muuse xukuumadana Dhaliilo ugu soo jeediyey arin ku saabsan
Arintii wasiirka Ganacsiga hore looga hor joogsaday hoolka dawlada
hoose ee gabiley kuwaasi oo xukuumada ugu baaqay in ay ka hadasho
arintaasi.
La soco Wararkayaga Danbe wixii ka soo kordha Loolanka iyo Wajiga
Cusub ee ka dhex Qa rxay Kulmiye iyo Beesha Sacad Muuse …..
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland
|