WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa
wareegto ma daxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013 ka
soo saaray Dhulka Dan ta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku
socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Berbera
Ku: Duqa Magaalada Berbera Berbera
Ku: Maareeyaha Dekedda Berbera Berbera
Og: Taliyayaasha Ciidammada JSL.
MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar
17/2001;
Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113
ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska
Maareeyaha Dekedda Berbera;
Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku
taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha
Guud;
Markuu Arkay: Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee
summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;
Markuu Arkay: Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee
summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;
Mudanayaal, Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida
ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso,
iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo
sharciga waafaqsan.
Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta
dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga
faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u
leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay
(Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee
hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa illaa 15 Kilometer oo
ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta
ilaa 20 Kilometer.
Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen
wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa
aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba
khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka
hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula
wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.
Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda
ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.”
Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane
Axmed Saleebaan Dhuxul
|