WAR-SAXAAFADEED

 




Waxa imika isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeyska iyo shaqaa lihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.


Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqs oor een hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.


Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u adeegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lidi ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqar aadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.


Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii laxejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacadiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.







Wabilaahi Tawfiiq


Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac