Somaliland Iyo Itoobiya Oo Isku Afgartay In La Bilaabo Dhismaha
Jidka Berbera Iyo Addis-ababa
Hargeys (TNN) :- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali
Xaaji Xasan oo saf ar ugu maqnaa Dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib
ugu soo laabtay si balaadhana lo ogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal ee
Caasimada Hargeysa, waxaana Wasiirka Halkaa si kusoo dhaweeyey
masuuliyiin, isugu jiray qeybaha kala duwan ee dawlada.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula
hadlay qolka nasash da ee loo yaqaan VIP ayaa ka warbixiyey safarkii
isaga iyo Wasiirka arrimaha dibaddu ugu maqnaayeen waddanka Ethiopia
iyo shirarkii ay la sheeyeen Dawladda Dalkaasi, wa xaana uu xusay
inay is arkeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Itoobiya islamarkaana
ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha Waddada isku
Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa oo qayb ka ah mashruuca (Berbera
Corridor).
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka
arrimaha dibadd a iyo Wakiilka Somaliland ee Addis-ababa ay kulan la
yeesheen wasiirro ka mid ah dawl adda Itoobiya. Waxaanu xusay inay
muhiimad weyn waddadaasi u leedahay xidhiidhka ganacsiga iyo isu
socodka labada waddan ee Somaliland iyo Ethopia, waxaana uu hoosta
ka xariiqay in wadadaasi dhawaan la bilaabi doono sidaasna ay isku
soo afgarteen masu uliyiintii ay shirarka la yeesheen.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka
jawaabay su’aalo ay saxaafaddu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhaayey
eedo ay qaar ka mida xildhibaannada baarlamaanku u soo jeediyeen
xukuumadda kuna dhaliileen inay dhaxal wareejinayso Dekedda, sidoo
kalena ku mashquushay Dayactirka Waddooyinka.
Wasiir Xirsi ayaa dhaliilahaasi ganafka ku dhuftay wuxuuna xusay
inay xukuumadda Mad axweyne siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka
waddooyinka, balse ay tahay Xukuum adii ugu horaysay yagleesha
waddooyin cusub oo tiro badan, sidoo kale wuxuu xusay in Dekada
Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga soo qaadi jiray shandad lana
keeni jiray Madaxtooyada, balse haatan ay ku dhacdo Qasnadda
dawladda ee Wasaaradda Maaliya ddu Maamusho, isla markaana aanu jirin
wax musuq maasuqi.
|