Somaliland:MGS Oo Shaacisay 21 Mashruuc Oo Lagu Maal-Gelinayo
Ganacsato Waaweyn Iyo Lacag Qadar keedu Yahay $2.5 Milyan Oo Loogu
Tala Galay
MGS waxay Sheegtay inay bixinayso deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar oo
la siinayo 21 mashruuc......
Hargeysa (TNN):-Mashruuca Maalgashiga Ganacsiga Somaliland (MGS)
ayaa Shaacisay mas haariicdii ku guulaysatay deeqihii waawaynaa ee
Wareegii 1aad, iyadoo dhinaca kale ku dh awaaqday bilowga 21
Mashruuc oo Maal-gelinta waaweyn ah oo ay ku baxayso lacag 2.5
milyan oo dollar, taasoo la siinayo 21 mashruuc oo Maalgashiga
Ganacsiga Somaliland (MGS).
MGS waxay Sheegtay inay bixinayso deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar oo
la siinayo 21 mas hruuc oo ka tirsanaa 43kii codsi ee hore loo
xushay, deeqdaasoo la doonayo in lagu dhaliyo Abaabul maalgashi oo
cusub oo gaadhaya $6.4 milyan, laguna abuuro shaqooyin cusub oo ka
badan 600 oo qof oo in ka badan saddex-meeloodow-meel ay noqon
doonaan dumar, 15% ay noqonayaan dhalinyaro.
Sida uu ku simaha Guddoomiye Guddida Maal-gashiga Somaliland ka
sheegay Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Maansoor 40%
deeqaha la bixiyay ee mashruuca wareeg 2aa d ku jiraa waxay ka
hirgalayaan gobolada ka baxasan Hargeisa.
“Marka la isku soo duubo, 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21 deeqaha
waawayn oo gaadhaya $4.6m ayaa la bixiyay, iyadoo Wadarta saamaynta
guud ee laga filayo deeqaha yar-yar iyo kuwa waawayn ay tahay sidan:
Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysa $9.5m ( marka
lagu daro deeqa ha la bixiyay);
Shaqooyinka cusub ee la filayo inay abuuraan oo ka badan 1,200.
40% deeqaha la bixiyay waxa la siiyay mashaariic ku salaysan meelaha
ka baxsan Hargeisa
In ka badan saddex-meeloodow-meel shaqooyinka cusub ah ayaa noqonaya
dumar, marka 15% ay noqonayaan dhalinyaro.
Mashaariicda 21 ah ee deeqaha waawayni way kala gadisan yihiin
waxaana ku jira:
Beeraha- beerida iyo soo saarida sonkorta, beerida sisinta iyo
soosaarida saliida sinsinta.
Xoolaha:- naaxinta xoolaha, warshadaynta hargaha, dhaqida digaaga
iyo maamul wanaajinta iyo horumarinta saylada xoolaha ee Hargeisa.
Tamarta- Aasaasida rugta tababarka ee dib-u-cusboonaysiinta tamarta,
Ansixinta iyo hawlaha dayactirida, Rakibida Qalabka tamarta dabaysha,
dhalinta tamarta qoraxda.
Kaluumaysiga:
Dayactirida warshadaynta kaluunka, Qaboojiyayaasha, Warshadaynta
kaluunka Xabkaha iyo Beeyada, Horumarinta beeyada si loogu dhhoofiyo
dibada.
Caafimaadka:-
Baadhista xanuunada
Warshadaynta
Warshadaynta Dalaga/cuntada beeraha, Tolida iyo Fisilaada dharka
Adeega
Iskudubaridida Xafladaha
Mashaariicda oo ay waaxda maamulka maalgashigu (FMU) u xuleen inay
helaan deeqaha waxa dib u eegis ku sameeyay Guddida La tashiga
Deeqaha.
Guddida La Tashiga Deequhu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku
qoran:
Dr Saad Ali Shire (GAP Chair),Wasiirka Qorshaynta
Mr. AbdirazakKhalif Ahmed (Vice-Chair), Wasiirka Ganacsiga
DR. Abdi Aw Dahir, Wasiirka Xoolaha
Prof. Farah Elmi Wasiirka Beeraha
Dr. Saeed Ahmed Hassan
Gudoomiyaha Jaamicada Golis
Ms. Fozia Mohamed
CEO, SLNMA
Ms NafisaYussuf
Ururka Nagad
Ujeedada Maal-galinta Ganacsiga Soomaaliland waa in la abaabulo
hal-abuurnimada iyo ilaha dhaqaale ee ganacsatada si loo kobciyo
heerarka dakhliga, shacabka Somalilandna loo abuuro shaqooyin cusub.
Maalgalintani waxay ganac-satada ku caawinaysaa inay kor u qaadaan
ganacsigooda oo ay casriyeeyaan, si kala gadisan u fidiyaan
badeecadahooda, hagaajiyaan waxsoosaarkooda oo ay casriyayaan ama ay
ka shaqeeyaan salyado cusub.
Mashaariicda waxa lagu qiimaynayaa iyadoo la eegayo khibrada iyo
heelanaanta codsadaha, suuragalka fikirka gancsi ee codsadaha iyo
dhalinta natiijooyin horumar leh. Maaligalintani waxay raadinaysaa
codsade/-yaal muujin kara aqoon maamul iyo awood dhaqaale, iyo
wiliba la socod sayladeed iyo sumcad si ay ugu guulaystaan
ganacsigooda.
Maalgashiga Ganicsiga Soomaaliland (MGS) waa qayb muhiim ah oo ka
mid ah barnaamij uu world banku maamulo (Private Sector
Re-Engagement Program Phase II) oo lagu taageerayo horumarinta
shirkadaha geancsi ee Soomaaliland.
Barnaamijka waxaa maalgaliyay Bangiga Aduunka oo ay taageero laxaad
lehka gaysteen (DANIDA), (DfID), and the State and Peace-building
Fund (SPF) ee Bangiga Aduun.
MGS waxay diyaarinaysaa ambaqaadidii Wareegii 2aad ee deeqaha
waawayn iyo kuwa yar-yarba. Codsiyadu waxay furmayaan 21ka bisha
June waxaanay xidhmaysaa qabashada codsiyada hore (Concept note)
17:00 pm ee maalinta Sabtida, 10 ka bisha August 2013.
Muddadaasi waxay MGS qaban doonaan kulamo ay ku bixinayaan
macluumaad khuseeya tartanka wareega 2aad.
Waxaad macluumaad dheeraad ah iyo sharaxaad ku saabsan sida loo
codsanayo maalgalinta ka helaysaa Websiteka MGS”Sidaasi waxa yidhi
Jim Duncan, oo ah Ku Simaha Maamulaha Maalgalinta Somaliland, kaasoo
xusay in loo baahanyahay in laga faa’idaystay Mashaariicdan.
Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali
Shirre oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa u mahad naqay dhamaan
Hay’adaha iyo Wadamada gacanta ka geystay Mashruucan, waxaanu
tilmaamay in baahi weyn loo qabo Maal-gelinta noocan ah, una
baahanyihiin Bulshada reer Somaliland cid ka maal-gelisa Hal-abuurnimadooda
Ganacsi.
Wixii Macluumaad dheeraad ah kala soco,
Jim Duncan, Ku Simaha Maamulaha Maalgalinta.
Tel: +252 63 477-2684 or 485 0660
www.somalilandbuisnessfund.com
|