Shirka beelweynta Sacad Musa waxan uga digaya in an ajanda yaasha shirka laguso darin siyaasad iwm waayo beeshu kuma mideysan siyaasad iyo xusbi kaliya toona

 



Mudadii 3da sanadood aheyd ee u xisbigan kulmiye talada dalka la wareegey waxa isa so tareya oo ad saxaafad iyo warbaahinta ba ku arkeyseen shirbeeleediyo lagu qabaneyo dagaano badan o ka tirsan somaliland kuwaaso an runtii wax natiijo ah oo waxkuool ah laga gaadhin..

Markaad runtii uu kuurgasho nuxurka shiraarkaasi la qabneyay waxey kuwada saleysnayeen siyaa sad waxaana inta badan hormood ka aha oo daaha dabadiisa ka hogaamineyay siyaasin beeleysan oo mansab ama kursi ku dirir ah, islamarkan guul laga ma gaadho wax natiijo ah oo la taaban karan kama so baxado oo an aheyn shaki iyo tafaraauqo aheyn.

Waxan haddaba uga digaya maanta beelweynta Sacad Musa oo maalmahan ba ku hawlaneyd shirw eyne beeshu qabsan doonto maalmaaha soo socda oo lagu qaban doono tuulada AGABAR.

Waxan leeyahay ma xuma iney beeshu shir qabsato oo ay danaheeda gaarka ah kaga wada tashat o iyo horumarka dalku mareyo iyo mustaqbalka beeshu higsaneyso iwm,

Waxaan haddaba beeluhu somaliland odhan laha wa inad fahantaan in aynu ka gudbney waqtigii shir beeleedeyd laguso gorfeyn jirey siyaasada beeshu aaminsan tahay iwm, bulshooy maadaama aynu leenahay maanta sadex xisbi qaran o ay beeshu ka wada tirsan tahay oo afkaar kala gadisan la qabo ama la aaminsan yahay waxan odhan laha wa in laga ilaaliya ajandayaasha shirkaasi lagaga wada hadalayo siyaasad iyo siyaasiyaasiujeedo gaaraha wata oo kursi doona ah iwm.

Waxaan runtii markale gudiyada qabanqaabada shirkaasi Agabar, salaadinta, waxgaradka iyo cidwal oo uu khuseysa ba uga digayaa in anu shirkaasi noqon mid siyaasadeed ama siyaasada lagu gorfeynayo, sababta an uga digaya siyaasadu waxey ila muuqata in aney beeshu aheyn mid ku mideysan xisbi ama siyaaasada gaar ah oo siyaasi wato, maadaama an la wada aaminsaney xisbi kaliya wa ceeb in u shirku si yar oo fudud inooga fashilma natiijadiisuna noqota mid an waxba ka so bixin beeshuna ku kala fogaata.

Runtii waanu taageersan nahay haddii anu nahay xubnaha taageersan xisbiyada mucaaridka ah inuu shirkaasi Agabar noqdo mid lagaga wada hadalo danaha beesha oo kaliya siyaasada iyo wixi tafaraauqu iyo kala qeysbana keeni kara laga fogaado wa waajib idin saaran haddii ad tihiin salaadinta iyo madaxdhaqameedeyda inaad danaha reerka iyo wadajirka iyo waxwadaqabsiga beesha ka shaqeysan iyo isku duubnida guud. wa in ad marwalba eegtan oo ad ilgaar ah ku eegtan wixi beesha miisankeeda iyo wadajirkeeda dhaawacaya.

Haddii anu nahay xubnaha beesha ee taageera xisbiyada mucaaridka ah waxanu markale uga digeyna sidii hore ba nooso martey xiliyadii doorashadii madaxweyne nimada ee u ku guuleystey mudane Siilaanayo inu sudankeyagu ku dhawaaqo hadalo kaf ku ah wada jirka beesha, Suldan Xassan suldan Abdillahi suldan Abdiraxman waxanu leenahay horaad beesha uu afduubtey oo ad kulmiye ugu sheegte mar danbe yaaney suldan dhicin in ad beesha kushaan badeyso xisbi kaliya..

Mujaahid Musa Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo ah runtii laba mas'uul oo an aad iyo aad uu ixtiraamo islamarkan iga mudan sharaf iyo qadarin badan - waxan talo ahaan odhan laha loolankiinu wa inu ku koobnaada xisbiga kulmiye dhexdiisa oo eydan beesha kula so galgalan nakala qabta iyo nakala reeba iwm, taasi waxey inoo horseedeysa tafaraauq iyo kala fogaanshe beesha dhexdeeda ah shirkuna sidaasu ku burburi doona oo natiijo la'aan bu ku dhamaan doona waana ceeb inu sidaasi inooga fashilmo.

Waxaan kuso gabagabeynaya in beeshu waxbadan ka feejinaato oo siyaasad iyo siyaasi dan gaar aha wata tubta toosan inaga leexin.. guul iyo gobo nimo ayaan u rajeynayaa shirka iyo dhamaan shacabka somaliland odhan.
 

 


Omar Darood Hassan

Norway