Cuqaashan yo odayaashan ayaa waxa kamid ahaaa Chief Caaqil Xassan Shaqale Maxamuud, Chief Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal, Caaqil Cabdi Siciid Maxamed,Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux yare,C aaqil Cabdi maxamed Geele(Caaqil Boos),Caaqi Baashe Yuusuf iyo oday Cismaan Jaamac Cige. Waxaana cuqaashan iyo odayaashan
afhayeen u ahaa oo qoraalka ay baaqa iyo hambalyada is huwan ku
dirayaan u akhriyay Chief Caaqil xassan Shaqale Maxamuud waxaana
hadaladiisii kamid ahaa”Ilaa iyo maalintii ay fadhigooda koowaad
yeesheen xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Degmada berbera ee
ay ku doorteen Duqa degmada berbera Cabdishakuur Maxa mud
Xassan(Cabdishakuur Cidin)iyo kuxigeenka duqa Baashe cabdillahi
Ibraahim(Yacquub) waxa dhinaca xukumada dhexe ka soo baxayay
faragalin ay ku hayso golaha deegaanka ee degmada berbera loo soo
doortay faragalintaasi oo ah mid ay xukumadu ku doonayso in ay
golaha iyo doorashadda fartaaga ah ay dano ugaara uga faa,iidaysato
iyada oo aanay meel naba sharciga golayaaasha deegaanada dalka kaga
oolin in ay xukumada faraha la gasho habka ay xildhibaanadu
udooranayaan Maayarka iyo kuxigeenkiisa,anagu haddii aanau nahay
cuqaaasha iyo odayaasha deegaanka gobolka saaxil marnaba ma ogolin
in wax aan sharcigu jidayn goalaha degmada loo soo doortay lagula
kaco,Xukumadana waxa aanu dhawaaq dheer ugu baaqaynaa in ay ka
shaqayso maslaxda shacbiga ay Masuulka ka tahay wax kasta oo am niga
qaranka iy Jiritaanka Somaliland wax yeelayana ay Xakamayso,an agu
hadii aanu nah ay cuuqaasha iyo odayaasha Somaliland waxa aanu hadh
iyo habeenba utaaganahay ilaalinta nabad galiyada iyo isu soo
dhaweynta shacbiga walaalaha ah ee kuwa da nool gayiga Soma liland
waxaana nagu waajiba in aanu taageerno wax kasta oo wanaagsan Nabada
iyo xasilo onida qarankan Somalilandnina ay kujirto, waxase haboon
oo aanu xaq u leenahay in aanu dhaliilaha jira iyo tubta toosanba
aanu xukumada iyo shacbigaba utilmaano, waxa aanu leena hay mar
labaad xukumadu yaanay shacbigeeda kala jeclaysan xeerarka iyo sida
deegaamada loogu wada noolaana yaanay xukumadu majaraheedii soo
jiree nka ahaa ka leexinin dadka iyo dalkana aanay uhorseedin
colaado iyo isqabqabsi aan meesha kujiri jirin
|