WAR-SAXAAFADEED

Iyadoo la tixraacayo khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.
Cabdiraxman Max amad Maxamud (Farole) uu ka jeediyay Munaasabadii 1
August oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadd a Puntland –go’aankaasoo
waafaqsan soo jeedintii Guddiga Wadajirka ah ee Golayaasha Dowladda
ee July 24 – Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hakisay
wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lehayd Dowladda Federaalka
Soomaliya.
Tan iyo dhisidii 1998-kii Dowladda Puntland waxay dadaal dheeri ah u
gashay inay hirgalis o hey’daha dowliga ah, sharciga iyo kala
dambaynta, iyo gaarsiinta adeega bulshada ee shacabka Puntland,
iyadoo qeyb wayn-na ka qaadatay dib u dhisida Jamhuuriyadda
Fede raalka Soomaaliya tan iyo 2004-kii. Puntland waxay taageero
muhiim ah ku bixisay Sooma aliya iyadoo wakhti, juhdi badan, iyo
dhaqaale intaba galisay nabadeynta iyo dib u dhiska Federaalka
Soomaaliya.
Dadaalkaani waxaa laga filanayay Soomaaliya cusub oo madaxbanaan,
kuna dhisan nida amka Federaalka iyo xisbiyada badan. Haseyeeshee,
tan iyo September 2012-kii markii la dhisay Dowladda Federaalka,
dalkii Soomaaliya wuxuu dib ugu noqday colaadihii, barakici ntii,
qabyaalad iyo kala fogaansho, isqabqabsi siyaadeed, iyo iyadoo
tixgalin la’aan iyo xadgudubyo dhinac kasta ah lagu sameeyey
Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo kan rasmiga ah ay Saxiixayaashi
Roadmap-ka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ku saxiixeen Nairobi June
22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday Dastuurka Federaalka KMG
ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd “inuu soo dhaweeyey hormarkii
laga gaaray Roadmap-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid tahay
Heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka
qabyada ah”.
Iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka,
Puntland waxay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ay la lahayd
Dowladda Federaalka waxayna Puntland soo dhawaysay Rai’sul Wasaaraha
Dowladda Federaalka Dr. Cabdi Farah Shirdon safarkiisii Garowe
(March 9-11, 2013) iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Dr. Xasan
Shiikh Maxamud safarkiisii Garowe (April 28-29, 2013).
Madaxweynaha Puntland wuxuu qoraalo u diray madaxda Dowladda
Federaalka ee ku su gan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna
Madaxweynuhu cambaareeyey Dastuu rkii Federaalka oo sharcidarada ahaa
ee la faragaliyay, Dastuur-beenaadkaasi oo loo qey biyey Golaha
Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Septem ber 7, 2012.
Puntland waxay soo dhaweynaysaa Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay (UNSC Resolution 2111) ee July 24, 2013, qaraarkaasoo ku
dhiirigaliyay Dowladda Federa alka Soomaaliya “inay sameyso barnaamij
siyaasadeed oo cad kuna aadan hirgalinta nida amka federaalka si
waafaqsan Dastuurka KMG ah”; sidoo kale, Puntland waxay soo
dhaw eynaysaa War saxafadeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee
May 3, 2013, oo ay ku qornayd mabaa’diidii lagu isku raacay ayna ka
mid tahay “Tixgalinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya”. Hasayeeshee, si aan waafaqsanayn maba a’diidii la isku
raacay iyo waxyaalihii la filan karay,
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku dhaqantay arrimaha
hoos ku xusan
1. DFS waxay diiday hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka
KMG ah ee rasmiga ah iyo dib u eegis Dastuur oo sharci ah;
2. DFS waxay diiday inay dhaqangeliso Heshiiskii ay la gashay
Puntland, March 11, 2013;
3. DFS waxay weecisay hadafkii la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee
Al Shabaab oo khatar wayn ku ah nabadeynta Soomaaliya;
4. DFS waxay faraha la gashay dagaal beeleedyo dhiirigalinaya
haysashada sharci daradda ah ee hantida dadweynaha iyo hantida
dowladda iyo deegaanada taasoo horseedaysa cadaalad darro ka
dhacdagobollada Banadir, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo
Shabeellaha Hoose;
5. DFS waxay diiday inay la wadaagaan Dowladaha Xubinta ka ah
(States) Dowladda Federaalkaawoodda siyaasadeed, kheyraadka iyo
deeqaha caalamiga ah oo lagu helo magaca Soomaaliya sida deeqaha
waxbarasho;
6. DFS waxay diiday inay wax ka qabato burburka dhaqaale oo ay
sababtay lacagtii Shillin Soomaaliga oo suuqa ku yaraatay, iyadoo
daabacaada lacag cusubi ay tahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka;
7. DFS waxay saxiixday heshiis amaanka xeebaha ah oo khatar ku ah
madaxbanaanida Soomaaliya;
8. DFS waxay taageertaa kooxaha khalkhalgelinta oo ka qeybqaata
kicinta iyo degenaansho la’aantasiyaasadeed ee deegaanada dalka
Soomaaliya;
9. DFS waxay inkirtay dib u heshiisiinta qaran iyadoo diiday wax ka
qabadka barakicinta iyo dib usoo celinta hantidii la kala boobay tan
iyo dagaaladii sokeeye ee bilawgii 1990-dii.
10. DFS waxay tarjumaad khaldan ka bixisaa dalka iyo dadka
Soomaaliya goobaha caalamiga ah iyadoo ku guuldaraysatay soo
bandhigidda arrimaha qaran ee muhiimka ah.
Sidaa darteed, Dowladda Puntland waxay hakinaysaa wadashaqayntii iyo
xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo intii
ay Dowladda Federaalka:
1. Dib u soo celinayso kuna dhaqmayso Dastuurka Federaalka KMG ah ee
rasmiga ah
2. Wadatashiyo la yeelato Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda
Federaalka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka, arrimaha Federaaliga
iyo arrimaha amniga Qaranka ah, arrintaasoo waafaqsan xuquuqda
dastuuriga ah ee Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda
Federaalka; iyo
3. Hirgalinayso nidaam lagu xaqiijiyo qeybinta deeqaha caalamiga ee
lagu helo magaca Soomaaliya.
Tan iyo intii laga xallinayo arrimaha kor ku xusan, Dowladda
Puntland waxay ku dhaqmaysaa xuquuqda iyo awoodaha ku xusan
Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee rasmiga
ah, Dowladda Puntland kaliya ayaa wakiil ka ah dhammaan arrimaha
Puntland gudaha iyo dibedda.
Talooyin ku socda Maamuladda Soomaalida:
1. Taageeridda Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, kaasoo
xaqiijinaya hirgalinta nidaamka Federaalka iyo xaquuqda Maamullada
dalka, si loo xaqiijiyo dib u midaynta Soomaaliya;
2. Taageeridda dhismaha Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda
Federaalka iyadoo loo raacayo nidaam xor ah oo ku salaysan dib u
heshiisiinta deegaanada, si waafaqsan Dastuurka Federaalka; iyo
3. Hirgalinta hey’adaha amniga si loola dagaalamo kooxaha xagjirka
Al Shabaab iyo wixii khatar ku ah nabada iyo xasiloonidda deegaanada
Soomaaliya.
Talooyin ku socda Beesha Caalamka
1. In la isku raaco lana cadeeyo Dastuurka Federaalka ee rasmiga ah,
sida lagu xuso qoraalada iyo war saxafadeedyada ka soo baxa Beesha
Caalamka;
2. In Somaaliya lagu caawiyo dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka oo
deegaanadooda lagu dhiso si mustaqbalka loo mideeyo loona xaqiijiyo
isu dheelitirka, wadashaqaynta iyo sharafta ciidanka;
3. In la xaqiijiyo qaab cadaalad ah oo isu dheelitiran oo lagu
qeybiyo deeqaha caalamiga ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya; iyo
4. In taxadar iyo faragelin deg deg lagu sameeyo barakicinta iyo
cadaalad daradda lagu hayo dadka deegaanka Gobolka Shabeellaha Hoose
xadgudubkaasoo ay qeyb ka tahay Dowladda Federaalka iyo
maleeshiyoyiin isbiirsaday, arrintaasoo dib u abuuraysa colaado
bulshada dhexdeeda ah, siinaxoojiso kooxda xagjirka Al Shabaab inay
ay xoog ku yeelato deegaanada.
— DHAMMAAD —
Source: Xafiiska Madaxweynaha Puntland |