Mujaahid Xasan Guure Oo Cambaareeyay Dad Golahooda Taageersan Oo
Abdaal Lagu Xidhay

Hargeysa (TNN):-Guddoomiyaha golaha wada tashiga iyo toosinta
qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa canbaareeyay muwaadiniinta
lagu xidh xidhay deegaanka Abdaal ee gob alka Saaxil iyaga oo
dareenkooda cabiraaya,waxaanu sheegay in wasiirka arimaha gudahu uu
u balanqaaday inay siidaynayaan dadkaas maanta,waxaanu sheegay in
wasiirka dadkaas uu ku tilaamay inay rabshado sameeyeen.
Sida oo kale guddoomiyaha golaha toosinta Muj.Xasan Guure waxa uu
sheegay inay magaca abeen guddi ayna war maanta ku celinayaan
salaadiintii dhex dhexaadinaysay iyaga iyo mad axweyne Axmed
Siilaanyo,isaga oo ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah sii
baxiyo.
Waxauu sidan Muj.Xasan Guure ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay
siiyay wargeyska Geeska Afrika. waxaana wargeysku ugu horayntii uu
gudoomiyaha golaha waydiiyay sida uu u arko dadkaas lagu xidh xidhay
Abdaal waxaanu yidhi “ Dadkaas waxaanu isku ognahay in uu wasiirka
daakhiligu sii daayo maanta, in la xidho dad rayigooda cabiraayayna
aad iyo aad ayay u qaldantahay oo waliba nabad galyo ku cabiraayay
waana arin ay xaq u lahaayeen oo dastuurka ayaa u banaynaaya,inuu
rabashad gaysto uun baa qofka ka reeban,cid kasta oo sharci daro
lagu xidhay ama la cabudhiyay waanu canbaaraynaynaa.”
Sida oo kale wargeyska Geeska Afrika waxa uu gudoomiyaha golaha wada
tashiga uu waydi iyay inay saareen xubnahii uga qayb gali lahaa
kulanka madax weynaha ay la yeelan doonaa n waxaanu isaga oo
arintaas ka hadlaaya uu yidhi “Gudidii waanu saarnay haddii alle
yidhaa dana ilaabari(Maanta) ayaa laga yaaba inaan jawaab ku celino
qoladii salaadiinta ahayd, wa ana arin socota waxii war ah ee ku
saabsana ka sii hor dhacimaayo.”
Source: Geeska
|