Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ka hadlaysa kulankii ay madaxweynaha Somaliland Axm ed Siilaanyo la yeelatay iyo dareenkeeda ayaa waxay tidhi “Aniga oo ah Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, ayaa waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay shalay oo Salaasa, taariikhduna ahayd 11/8/2015 uu qasriga Madaxtooyada Somaliland uu igu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay aabay Marxuum Fagadhe Saaxibo dhow isku ahaa yeen,kulankaasi waxa uu ii ahaa kulan taariikhiya oo I soo xasuusiyay yaareyntaydii oo aan arki jirey aabahay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo wada socda,marka uu Siilaanyo I arko waxa uu I taa ban jirey Madaxa isaga oo ii ahaa aabahayga labaad. Maantana isaga oo Madaxweyne ka ah Somaliland inaan arko qiimo-weyn
iyo farxad ayay ii taha y, markii aan arkay Madaxweyne Siilaanyo waan
ooyay oo waxaan soo xasuustay aabahay oo ku geeriyooday 2009-kii
dalka Faransiiska ILAAHAY ha u naxariisto. Sidoo Kale, Amal Fagadhe waxay u mahad-celisay Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aami na-Weris iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaantay inay ku soo dhaweeyeen Somaliland. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Faransiiska sanadii 2009-kii wakhtigaas oo uu ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, waxa uu hore u soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa kale oo uu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxa kale oo uu noqday Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE. Source: Somaliland Today
|