Maayarka Cusub ee Gabiley oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan
Hay’adda World Vision oo ghagax dhigay dhisme cusub oo lagu
kordhinayo Cusbitaalka Gabiley
Waxa kale oo halkaasi ka hadley sarkaalka socdey ha'yada worl vision
oo sheegay inay ... ...........
Gabiley (TNN) - Maayarka cusub ee degmada gabiley Shucayb Maxamed
Muuse iyo maayar kii hore Axmed Muxumed Qaalib oo ay weheliyaan
masuuliyiinka socotey haayada world vi sion iyo gudoomiyaha ururka
gaardo ee gabiley ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu
kordhinayo cisbitaalka qaaxada ee gabiley.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley agaasimaha cisbitaalka qaaxada
Gabiley Ciise sh.mu xumed warsame oo ku dheeraadey baahida ay u
qabeen inay helaan dhisme ku filan waxa nu yidhi "Aad baanu ugu
baahneyn cisbitaalku wuxuu ka kooban yahay laba hool oo kaliya run
ahaan tii aadbuu noogu yar yahay dadka aanu daweyno waxaanu u weynaa
meel aanu dajino,si aanu u kala ilaalino dadka cusub ee cisbitaalka
soo Galey iyo kii hore uqaadan jirey audio baad u mahadsan tihiin’’
Waxa kale oo halkaasi ka hadley odey Aw-Ciise jaamac iyo odey
maxamuud aw muuse oo labadooduba ku dheeraadey sida ay ugu faraxsan
yihiin dhismaha cusub ee ay iska kaashanayaa dawlada hoose ee
gabiley oo ay wehelinayo ururka gaardo iyo hayaada worl vision
waxayna u mahad naqeen cidwalba oo gacan ka gaysaneysa.waxayna baaq
udireen ganacsatada gobolka iyo jaaliayaduhuba inay ka sheqeeyaan
horumarka gobolka isla markaan waxay saluug ka muujiyeen ansixin
la,aan gobolka gabiley.
Waxa kale oo halkaaasi ka hadley gudoomiyaha ururka gaardo maxamuud
yuusuf x.cabdi oo sheegay inay gaardo ahaan bixinayaa 20% lacagta
lagu dhisayo.
Waxa kale oo halkaasi ka hadley sarkaalka socdey ha'yada worl vision
oo sheegay inay ha y'adani gacanta ku haysay 7sanadooda ah isla
markaan ay wixii karaan kooga ah ay la qa ban doonaan bulshada
gabileyna looga baahan yahay inay qayb tooda ka qaataan oo ay
masuuliyiinta cisbitaalka joogata ka war hayaan.
Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan axmed maxamed cali (sangub)
waxaanu ku dhe eraadey faa,iidada uu caafimaadku bullshada uleeyahay
waxaan yidhi "Aad baan ugu maha d naqayaa haayadaa world vision oo
gacanta ku haysa cisbitaalka gole deegaan ahaa ana ga oo 21ka
xildhibaan oo gacmaha is haysta inaanu ka shaqayno horumarka gobolka
waxa anu ku hawla gali doonaa himilo fog,hogaan toosan ‘’
Waxkale oo halkaasi ka hadley
maayarkii hore ee gabiley axmed muxumed samir waxaanu ka hadley sida
loogu bahan yahay in lacaawiyo cisbitaalka qaaxada oo ah lafdhabar
ta bul shada gabiley waxaanu yidhi "cisbitaalkan gabiley waa
cisbitaalka kaliya ee gobolku leeyah ay oo ubaahan in lagu kordhiyo
dhismayaal faro badan,waxaan aad ugu mahadnaqayaa haayada world
vision iyo ururka gaardo dadaal kooga ay sii kordhiyaan
Gabogabdii waxaa soo afmeeray maayarka magaalada gabiley shucayb
maxamed muuse oo kudheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarinta
gobolka mahad balaadhan u celi yey haayada world vision , ururka
gaaro iyo ganacsade jaamac oomaar waxanu yidhi’’ wax aa noo farxad
ah inaanu dhagax dhigno mashruucii uhoreeyey ee aanu dhisayo waxaan
ma had ucelinyaa ururka gaardo oo horrumarka gobolka ka sheqeeya ha
noqoto caafimaad ka,waxbarashada,wadooyin run ahaan tii kaalin weyn
kaga jiraan horumarinta gobol ka,g olahayaga cusub waxaanu idiiin
balan qaadeynaa inaanu ka dhabayno waxqabad muuqda tusno oo aanu
danta guud ka shaqayno,ooaanu iskaa shano oo aanu la tashano
bulshada qayba heeda kala duwan taladu gacmihiina ayey ku jirtaa,oo
aad na tilmaantaan oo aad nasoosisaan oo aneynu ku shaqayno iskaa
wax u qabso.
C/raxmaan Xaaji
Timacae News Desk
Gabiley ,Somaliland
|