Kulan lagu darsayay dhismaha Rugta Bugaagta oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa, (TNN):- Kulan lagu soo bandhigayey halka ay
marayso hawsha rugta buugaagta ee qaranka Somaliland ayaa ka
qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa.
Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr.
Sacad Cali Shire, guddida gacanta ku haysa hawsha rugta buugaagta,
qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo marti sharaf kale.
Axmed Daahir oo ka tirsan guddida qaban qaabada dhismaha rugta
buugaagta ee heer qaran oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in
wakhtigan la hayo dhulkii laga dhisi lahaa, taasoo ay bixisay
xukuumada Somaliland, waxaanu ka waramay baahiyaha ay bulshada
Somaliland u qab to in la helo rugta buugaagta ee heer qaran, waxaana
hadaladisii ka mid ahaa. “Muhiimada aynu iskugu nimi waxa weeye
inaynu bulshadeena gaadhsiino farriinta la xidhiidha rugta buugaagta
ee heer qaran, muddo kooban ayeynu ku dhisi karnaa haddii aynu
gacmaha isku qabsano, nasiib wanaag xukuumaddu dhulkii loogu
talo-galay rugta buugaagta ee heer qaran way bixisay, waxaanan
jecelahay in qof walba uu arrinkan iska xil saaro dhismaha rugtan
buugaagta. Sidoo kale waxa uu ka hadlay baahida ay carruurta
Somaliland u qabto inay hesho rugta buugaagta ee heer qaran, taasoo
uu tilmaamay in carruurta waxbarashada u heelan ee Somaliland ay
baahi badan u qabaan.”
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay
kulankaas ayaa ka warramay baahida loo qabo in lagu guulaysto
dhismaha rugtan buugaagta, isagoo xusay in dadka reer Somaliland ay
baahi badan u qabaan rugtaas buugaagta ee heer qaran.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo
arrimahaas ka hadlaya wax a uu yidhi. “Waxaynu caawa iskugu nimi
dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran, waa rug qaaliya waayo waa
goob cilmi, iyada oo layna faray inaynu cilmiga barano oo
carruurteen a barno, waxaana jira axaadiis badan oo ku soo aroortay
cilmiga, rugta buugaagta waa goobt a kaliya ee haddii uu qofku galo
uu ka soo baxayo isaga oo cilmi leh rugta buugaagtu waa wax ka
dhaxeeya caalamka oo dhan haday tahay dugsi hoose mid dhexe mid sare
iyo jaamacadahaba, Hargeysa ma laha rug buugaagta oo qaran, waana
aafo qaran.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey. “Dhalinyaro
ayaa ku kacday in rugta buu gaagta ee heer qaran la dhiso, waxaana
loo baahan yahay in la garab galo, waliba baahida ay nu u qabno rug
buugaag way ka badan tahay baahiyaheena kale, rugta buugaag
la,aanteedu waa mashaakil dhalinyarada haysata, balse waa meel loo
baahan yahay inay dhalinyaradu fad hiisan karaan, kaga shaqayn karaan
casharooda loo soo diray, kana heli karaan adeegyada d hinaca
waxbarashada, waxaan leeyahay cid kasta oo gacan ka gaysata dhismaha
rugtan buu gaagta iyo maamulkiisaba waxay helayaan xasanaad
badan,waxaan ku boorinayaa shacabka Somaliland inay u hagar baxaan
dhismaha rugtan buugaagta.”
Suxufiga Cali Axmed Raabi (Cali-seenyo) oo isaguna kulankaaska
hadlay ayaa ka waramay aq oonta iyo sida loogu baahan yahay in lagu
dedaalo, isaga oo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada
Somaliland ugu baaqay in laga qayb qaato dhismaha rugta buugaagta ee
heer qaran.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|