TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XXI
IIBKA DEKEDDA BERBERA

 


Waxa la yidhi "Layli biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.."
Markay WIKILEAKS so bandhigtay siro laga soo xaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sucuudiga ee tilmaamayey heshiis qarsoodi ah oo xukuumadda Somaliland la gashay maamul Goboleedka Majerteeniya iyo Soomaaliya, nuxurkiisuna aha ka mid noqoshada nim aad federaal ah; waxa si deg deg ah uga jawaabay Wasiir Xirsi isaga oo masuuliyadda hesh iiskaa qarsoodiga ahna dhabarka u saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Taas oo ahayd arrin milgaha iyo karaamada dowladnimadaba ka arrada n.

Sir maqabe rabbaa u sahan ah!! Maantana waa tan dibindaabyooyinkii qarankan loo malee gayey so shaac baxday. Way kashifantay oo dafiraad iyo derbi jiid midina dedi mayso. Hore waxa loo dhaxal wareejiyey Hawadii Qarankan oon ilaa maanta la ogayn meel ay ku dambe ysey iyo sharciyadda Soomaaliya loogu gacan geliyey.

Xukuumadda dalka ka talisa hantida ummadda waxa loogu aaminay in ay caddaalada iyo si nnaan ku maamusho. Madaxweynaha shacbigu doortay waxa looga fadhiyaa in uu ummad da caddeeyo sababta wasiiradiisu hantida qaranka dowlado iyo shirkado ajaanib ah uga x araashayaan sifo shuruucda dalka baalmarsan iyadoo dadka lagu maaweelinayo maalgashi shisheeye.

Haddaba wasiiradan hantida ummadda ku mamay ha ogaadaan in aan lagu saamixidoonin. Ciddii dalka maalgashanaysaa haddaanay heshiisyada qarsoodiga ah laga ansixin Golaha W akiilada Somaliland, heshiisyadaasi waxay noqondoonaan waxba kama jiraan.

Dhacdadani waa khiyaamo qaran, Golaha Wakiilada Somaliland waxa looga fadhiyaa in arrin tan waajibaadkooda distooriga ah ka guttaan wasiir Xirsina golaha la horkeeno si uu uga j awaabo cidda u igmatay iibka dekedda Berbera.
 



Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
August 2, 2015.