Haweenka Qurbajoog ee ku bahoobay ururka walaaha Arabsiyo Oo Xadhiga
Ka Jarey Laba Fasal Oo ay Ku Kordhiyeen Dugsiga sare ee degmada
Arabsiyo

haweenka walaaha arabsiyo ayaa balan qaadey inay dadaalkooda sii
laba laabi doonaan, haw eenakni ayaa dhisay ilaa sagaal dugsi,
waxayna bulshada ugu baaqeen wada jir iyo midnim o.......... Daawo
Sawirro Aad U Tirro badan
Arabsiyo (TNN):-Haweenka qurbajooga reer arabsiyo eek u bahoobay
ururka walaalaha arab siyo ayaa xadhiga ka jarey laba fasal oo ay ku
kordhiyeen dugsiga sare ee degmada raabsiyo, xaflada xadhiga laaga
jarey oo ay kazoo qayb galeen maamulka degmada arabsiyo, gudoomi yaha
waxbarashada gobolka gabiley cali aadan bayle, xildhibaano ka tirsan
golaha deegaanka degmada gabiley,gudoomiyaaha ururka haween ka now
farduus maxamed xasan, gudoomiyah a waxbarashada degmada arabsiyo
fadxiya maax xasan, haween tiro badan iyo dhalinyaro . xafladani oo
lagu qabtey hoolka dawlada hoose ee degmada arabsiyo.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley gudoomiyaha degmada arabsiyo c/laahi
cabdi faaraax, waxaanu u mahad celiyey hablaha qurbajooga ee
walaalaha arabsiyo, waxaanu ku amaaney doorka horumarineed ee ay ku
leeyihiin horurmarka degmada arabsiyo, waxanau ugu baaqay inay
halkaasi kasii wadaan dadaalkooda.
Xildhibaan c/casiis c/laahi . Xildhibaan nimco axmed, xildhibaan
cibaado maax , oo dhamaan ka tirsan golaha deegaanka degmada gabily
ayaa aad usoo dhaweeyey haweenka qurbajooga ee walaalaha arabsiyo,
waxaaney balan qaadeen inay gacmo furan kusoo dhaweynayaa, diyaarna
u yihiin inay la sheqeeyan, waxaaney bulshada ugu baaqeen inay u
diyaargaroobaan wakhtigii horumarka degmada arabsiyo, waxaaney
haweenka qurbajoog kula dardaarmeen inay dadaalkooda sii laba laaban.
Haweenka socdey ururka walaalaha arabsiyo oo halkaasi ka Hadley ayaa
ka warbxiyey ujeedooyinkii ururka loo aas aasay ,Shuun c/laahi
cabane, faadumo cumar liiban, maxamed sici, waxayna dhamaan tooda
sheegeen inay ururkan u aas aaseen markay arkeen baahiya ka jir
degmada arabsiyo, waxayna balan qaadeen inay halkaasi ka sii wadi
doonaan dadaalkooda, waxayna dadweynaha reer arabsiyo ka codsadeen
inay muujiyaan wada jir iyo isku duubni, si ay u gaadhaan horumar
Gudoomiyaha waxbarashada degmada arabsiyo fadxiya maax xasan,
Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka now farduus maxamed xasan,ayaa
iyaguna aad usoo dhaweeyey haweenka qurbajoog ah, waxaaney ka
warbixiyeen halka ay mareyso xaalada degmada arabsiyo, waxaaney
haweenka ku amaaneen sida ay ugu heelan yihiin horumarka degmada
arabsiyo, waxayna balan qaadeen inay la shaqayn doonaan
Gudoomiyaha waxbarashada gobolka gabiley Cali aadan abayle, oo
xafladaasi soo afmeerey halkaasi ugu duceeyey hablaha walaalaha
arabsiyo,waxanau ilaahay ugabaryey inuu badal khayra qab ugu badalo,
waxaanu ku booriyey haweenka qurbajoog ah inay dadkooda u horseedaan
horumar, kuna dhiirigaliyaa isku duubni.
Maah markii ugu horey ee hablaha walaalaha arabsiyo, ay dugsi waxa
ku kordhiyaan,balse ilaa inta la ogyahay hada waxay dhiseen ugu
yaraan sagaal dugsi, dadweynaha ku dhaqan magaalada arabsiyo ayaa
aad ugu diirsadey wax qabadka faraha badan ee ay haweenkani ka
fuliyaan deegaanada arabsiyo.
C/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Arabsiyo, Somaliland
|