Madaxwayne siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Hay’adda Qurba-jooga Somaliland

 


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaa day Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabd iraxmaan Cali,
 


WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.


Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL