“Waxaan idiin sheegaynaa in nimankaasi ay aanu waxba la’aan kala
kulanay. Laakiin madaxweynuhu ergo kasta iyo wax kasta oo aanu ula
tagnay wuu naga yeelay”

Hargeysa (TNN):- Gudidii Salaadiinta ee waday isu soo dhawayntii
Xukuumadda iyo Golaha la bax ay wada tashiga iyo toosinta qaranka,
ayaa caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeysa waxay
daboolka kaga qaadeen in ay hungo iyo faro madhan ka taagan yihiin
Golahaasi oo ay ku tilmaameen qaar aan ujeedadoodu cadayn.
Suldaan Aadan Faarax oo ah Guddoomiyaha Gudidii Salaadiinta
Somaliland u xil-saareen isu soo d hawaynta xukuumadda iyo golaha la
baxay wada tashiga oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jara a’id waxa
uu sheegay inuu bulshadda Somaliland u xaqiijinayo in waan-waantii
ay wadeen ka soc on wayday dhinaca Golihii la baxay wada tashiga iyo
toosinta qaranka.
“Annagu halkan waxaanu ku fadhinaa Gudidii ay Salaadiinta Somaliland
u saareen xal u helida siy aasiyiinta la baxay Golaha. Waxaanu
doonaynaa inaanu halkan ka sheego wixii aanu kala kulanay dhex
dhexaadintii aanu wadnay. Marka u horaysa waxaanu u mahad naqaynaa
salaadiinta Soma liland oo soo qaban qaabiyay Gudidayadan ay u
xilsaareen arrintan. Gudidayadii waxaanu markii u horaysayba la
kulanay siyaasiyiintii arrintan cusub keentay waxaanu la kulanay
dhawr goor oo aanu kula kulanay Huteelka Ambassador waxaanu
weydiinay waxay ka cabanayeen.
Waxay markii aanu aad u wada
hadalnay ay sheegeen inay doonayaan inay la kulmaan Madaxw eynaha
Somaliland. Annaguna waxaanu u sheegnay inay ku dhawaaqeen gole
baal-marsan shar ciga. Waxaanu ku boorinay inay ka noqdaan Golahan.
Waxay nagu yidhaahdeen waanu ka noqon ay.”
Suldaan Aadan Faarax oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku
daray “Markaas ka dib waxaanu la kulanay madaxweynaha Somaliland oo
aanu ku nidhi nimankan odayaasha ah la kulan, maadaa ma oo ay ka
noqdeen Golihii. Waxaanu ku nidhi Madaxweyne waxaanu kaa baryaynaa
inaad la kulanto iyagoo aan ahayn Gole dastuuri ah. Madaxweynuhu si
sharaf leh ayuu arrintaasi nooga aqbalay.”
“Ka dib waxaanu ku noqonay Golahan waxaanu ku nidhi waxaad keenaysaa
Guddi kooban oo la k ulanta xukuumadda iyo madaxweynaha iyo
magacyadooda. Gudidaasi oo aanu annaguna la kulmi doono iyagoo socda.
Waxaanu sidaasi ku war-gelinay Guddoomiyahoodii Xasan Guurre. Markaa
waxaad moodaa nimankii ugu dambayntii saaka oo u dambaysay ayaanu ka
sugaynay magacyad ii iyo Gudidoodii, si aanu u geyno idinkana aynu
wax isa sii tusno waayo qoddobo kale iyo waxyaa bo ayay
sheeganayeen,”ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.
Suldaanku waxa uu sheegay inay saaka hungo kala kulmeen
siyaasiyiintaasi isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi
“Waxaanui saaka kala kulanay waxba la’aan iyagoo laba nin ah ayay
noo yimaadeen. Waxaan idiin sheegaynaa inaanu nimankaas kala kulanay
rajo la’aan. Waxaanu ummadda reer Somaliland uga mahad naqaynaa
sidii ay noola shaqeeyeen. Waxaanu u sheegay naa dadka inay dalkooda
iyo nabadgelyadiisa ilaashadaan. Waxa la yidhi ninka arrin bidco ah
sam eeya haddii ay khayr leedahayna illaa qiyaamaha ayuu ajarkiisa
leeyahay, haddii uu shar yahay illaa qiyaamaha ayuu sharkiisa
leeyahay. Markaa arrintaasi bidco ayay ahayd ee ka noqda oo dalka
dani uguma jirtee.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waxaanu uga mahad naq aynaa inuu ergadii aanu ula tagnay naga
aqbalay iyadoo waxaanu ula tagnay markii horeba aan u sharci ahayn
ayuu danta dalka nooga aqbalay,”ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.
Suldaan C/raxmaan Cabdilaahi Aw- Good oo isna halkaasi ka hadlay
wuxuu yidhi “Waxaanu isku xilqaanay inaan hadalkaas soo baxay aanu
khilaaf gudaheena ah dhalin isla markaana aan loo ba ahnayn,
maadaama oo aynu cadow faro badan oo dibadeed leenahay inay
dhexdeennu asturna ataa way wanaagsan tahay, sidaas darteed, inaanu
arrintaasi dhex galno ayaanu dhaqan ahaan isla qaadanay. Waxaan
idiin sheegaynaa in nimankaasi ay aanu waxba la’aan kala kulanay.
Laakiin madaxweynuhu ergo kasta iyo wax kasta oo aanu ula tagnay wuu
naga yeelay.”
“Raggaas Golaha sheegtay Golaha waxa u dheeraad ahaa cay iyo
aflagaado, madaxweynihii oo ay caayeen ayaa haddana naga yeelay inay
hor yimaadaan oo uu la kulmo. Waxaanu la kulanay siyaasiyiintan
waxaanu ku nidhi Madaxweynuhu wuu aqbalay inaad la kulantaan ee
Guddi kooban soo dirta. Waxa guddoomiyahoodii nagu yidhi sagaal
xubnood ayaan soo diraynaa. Markii aanu lix cisho sugaynay.
Salaadiinta waxay ku yidhaahdeen Golihii waanu ka noqonay, laakiin
meel qudha oo ay ka cadeeyeen inay ka noqdeen ma jirto. Ugu dambayn
saaka waxay nagu yidhaahdeen wa xba idiinma hayno, wax dambena
idiinla iman mayno,”ayuu yidhi Suldaan C/raxmaan Cabdilaahi Aw-good.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Xiis Barre oo bulshadda
ugu baaqay inay nabad-gel yadooda ilaashadaan, Golahana ugu baaqay
inay ka tanaasulaan waxay sheegteen. Waxa shirk an jaraa’id goob
joog ka ahaa 18 ka mid ah Gudidii Salaadiinta ee muddo ku jirtay xal
u helida mu rankaas.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|